berberatoday.com
Dawlada Somaliya Oo Soosaartay Warmurtiyeed Kahadlaya Qaabka Ay Dalkaasi Doorashadu Uga Dhici Doonto, Xisaabtana Ku Darsaday Dalka Somaliland. –
January 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Warmurtiyeed Kusaabsan Doorashada Somaliya Oo Ay Ku Jirto Somaliland Oo Ay Soo Saartay Dawlada Somaliyi.

Dowladda Soomaaliya, ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadleyso qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadkan 2016-ka, kadib laba cisho oo wada tashiyo Muqdisho ugu socdey hoggaamiyayaasha maamullada dalka, dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka sida ay sheegtay idaacada BBC-du.

War-murtiyeedka, oo dhowr bog ka koobnaa, ayaa waxay dowladdu sheegtay in aanay jiri doonin muddo kororsi, oo waqtigii loogu talagalayna ay doorashada ku dhici doonto.

Iyadoo aaney heshiis rasmi ah aysan ka soo bixin shirarkii hore ee ay madaxdu yeesheen, ayay dowladda Soomaaliya oo xil ka saaran sidii doorasho loo gaarsiin lahaa dalka sanadkan  waxay soo saartay soo jeedimo dhowr ah oo ku aaddan hannaanka doorasho, sida war-murtiyeedka ku cad.

Dowladda waxay sheegtay in la dhiso aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu kala saleyn doo

Aqalka hoose oo ka koobnaan doona 275 xildhibaan ayaa lagu soo xuli doona sida uu hadda yahay ee beelaha afar iyo bar halka aqalka sare uu isna ka koobnaan doono 54 xubnood, oo min 8 xubin ay ku yeelan doono maamullada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halka Somaliland iyo Puntland-na ay ku yeelan doonaan aqalka sare min 11 xubnood, kuwaas oo wadarta guud ka dhigeysa 54 xubnood. Sababta ay labada maamul uga badnaan doonaan xubnaha aqalka sare, ayaa lagu sheegay sida ku cad war murtiyeedka in labadaasi maamul oo waqti badan jirey, iyo in ay yihiin kuwa gobollada ugu badan, sida warmurtiyeedka lagu yiri.

Haweenka, ayay labada aqal ugu yaraan boqolkiiba 30 ku yeelan doona, sida ku cad war-murtiyeedka.

Reysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashid Sharmarke, oo shalay kulan la qaatay ka qeyb galayaasha shirka iyo wakiilada bulshada caalamka, ayaa uu muujiyay sida loogu baahan yahay in la tix galiyo arrintan ay dowladda so jeedisay. Waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in caalamku uu soo dhaweeyay arrintaasi halka maamulladana ay qaarna soo dhaweeyeen kuwana ay walaac ka muujiyeen.

Inkastoo aan weli war murtiyeed rasmi ah ka soo wada bixin madasha shirka ugu socdey Muqdisho, ayaa haddana warar ay sheegayaan in ay suuragal tahay in dhinacyadu ay ku saxiixi doonaan kulan kale ay isugu imaan doonnaan.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews