berberatoday.com
Fadeexada”Agaasime Aqoon Darro Sharci Hayso Oo Caadifad Iyo Been Abuur Kula Kacay Maayarka Berbera, Wasiir Waran-cade Iyo Jawaabtii La Siiyey.
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa faro-gelin shaqo oo qaawan kula kacay Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xasan (Cidin) kaasoo iska baadh-baadhay awood aanu lahayn, isla markaana faro-gelin shaqo ku sameeyey dawlada hoose ee magaalada Berbera. Tallaabada khaldan ee uu ku kacay Agaasimaha Layliga ku ah Maamulka ayaa sababtay in Khamiistii todobaadkan dagaal gacanka hadal ahii dhex maro Maayirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaasoo isku faro-saaray Xafiiska Wasiirka oo waqtiga sida la sheegay uu ku sugnaa Md. Cali Maxamed Waran-cade.

Wararka rasmiga ah ee biyo kama dhibcaanka ah ayaa sheegay, sababta dagaalka keentay ay ahayd aflagaado iyo awood sheegasho gardaro ah oo kasoo fushay Agaasimaha guud, taasoo keentay gacan qaadka uu sameeyey Maayirka Magaalada Berbera Mr Cidin, oo sida la sheegay gacanta u qaaday markii uu wax garowsho ah ka waayey agaasimaha, cay iyo aflagaadana joojin waayey.

Sidoo kale, waqtigii uu dagaalku socday waxa indhaha ka daawanayey wasiirka oo garowsan inuu khaldan yahay agaasimahiisu. Hase-yeeshee waxa markiiba joojiyey Maayirka Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin oo sameeyey dul qaad, waxa aan dagaal iyo Cay ka baxsan milgaha masuuliyadii leedahay baroor la oog-saday agaasime Cabdifatax oo gaadhay inuu xataa Maayirka Magaalada Berbera nasab caayo.

Geesta kale, agaasimaha khaladka ku kacay ayaa isla daqiiqado kaddib la xidhiidhay Warbaahin ay isku hayb beeleed wadaagan, isla markaana ugu talo galay inuu ku ceebeyo Wasiir waran-cadde iyo Maayirka Berbera, waxanu u sheegay inuu Maayirka Berbera Md. Cidin usoo dagaal tagay, diideyna inuu u hoggaansamo amar kasoo baxay wasaaraddiisa, aakhirkiina feedh ku daldalay, halka uu sheegay inuu wasiirka laftiisu ku taageersana maayirka inuu gacanta u qaado, iyo sidoo kale, inuu kala qaban waayey oo daawaday sida filimada oo kale.

Hase-yeeshee baadhi-taano ay samaysay shabakadda Warar ee Berberatoday.com ayaa shaaca ka qaaday inuu agaasimuhu beenaale yahay, isla markaana ka been sheegay sida wax u dhaceen, balse ay wax u dhaceen sida uu goob-joogahani yidhi, “walaal Maayirka berbera waxa uu soo galay Xafiiska agaasimaha, kadib waxa uu yidhi Cabdifatax walaal maxay ku dhacday inaad tallaabada khaldan qaado, hase-ahaatee Agaasimuhu waxa uu markiiba kula kacay Maayirka aflagaado, kadib Maayirku waxa uu cabaasho ula tagay Cali Waran-cade, wasiirkuna wuu ka garaabay khaladka agaasimihiisa, balse agaasimihii oo sida Haweenka oo kale Cay tamaya ayaa kasoo daba-galay waxanu wasiirku ku yidhii jooji Cabdifatax Cayda nin weynbaad tahay, laakiin dheg umu dhigin waxanu ku yidhi, adeer waa xilligaano wax walba anaagu qaban lahayn, isagoo marka uu jeeda inuu Muuse Biixi ay isku hayb yihiin, isla markaana dee uu awood leeyahay. Markii agaasimuhuu joojin waayey aflagaado iyo Cay ila nasab gaadhay, aakhiirkii Maayirku waxa uu ku dhuftay Feedh, kaasoo uu dhulka la galay, hadana waxba iskumuu celin oo maayirka dibeda ayaa loo saaray, balse Caydii ayuunbuu sii watay oo ila dumarkii wasaaradda ayaa la yaabay sida uu ninkan weliba masuulka ahii u Caytamayo”.

Si kastaba ha ahaatee, agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ah mid ay hayso aqoon daro sharci iyo inuu ku fashilmay shaqada loo dhiibay, isagoon weli qaban xil ka weyn lataliye Tv-yaga qaranka xukuumadda uga guuldeeya, waxana shaqaalaha wasaaradda arrimaha guduhu u yaqaanan shaqsi u baahan in shaqada loo soo tabobaro. Sidoo kale, masuulka haya xilka agaasimaha guud ayaa xiliigii xukuumaddii Daahir Riyaale dalka ka talin jirtay fagaarayaasha siyaasadda lasoo istaagi jiray inuu Daahir Riyaale Faqash ahaa, isla markaana uu kasoo jeedo Beel laga tiro badan yahay oo faqash ahaan jirtay, waxana md. Cabditafax ahaa shaqsi cunsuri ah oo caadifad qabiil madax marsan tahay. Balse madaxweyne Siilaanyo ayaa go’aansaday in aanu u dhiibin wax xilka ah, hase-yeeshee xubno kamid ah qoyska madatooyadda ayaa markii ay ka yaabeen Guuldaeyntiisa u magacaabay lataliye aan madaxtooyadda gelin, sidoo kale, dhowaan isku dhaandheyntii u danbeysay ee uu sameeyo Md. Siilaanyo waxa lagu magacaabay sida la sheegay Codsi ka yimi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, kaasoo loogu dhiibay xilka agaasimaha Guud ee arrimaha gudaha.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews