berberatoday.com
Xisbiga Kulmiye Oo Bilaabay Qorshayaal Uu ku Carqaladaynayo Qaabka ay Diwaan Galintu u Socoto –
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Iyadoo ay Dhawaan Gobalka Togdheer ka Bilabmatay Diwaan Galinta Codbixiyayasha isla markaasna ay si fiican uga bilabmatay gobalka togdheer ugana soo dhamatay si Nabad-galyo ah deganada miyiga ee Hoos Yimada gobalka togdheer,

Ayaa Masuuliyiin ka mid ah xisbiga muxafidka ah kulmiye gaar ahaana Xubno ka mid ahaa Waftigii Dhawaan Gudomiyaha Xisbigasi kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku Wehelinayay Safar Uu ku Yimi Magalada Burco Waxay Bilabeen Qorshayaal Dhagaraysan oo ay ku Hagar damaynayaan inay dalka ka sii socoto Diwan Galinta Codbixiyayasha,

Xubnaha ku Howlan Qorshayasha lagu mijaxaabinayo Hanaanka ay u Socoto Diwaan Galintu,ee warbaahinta ka sheegay ayaa ka Mid ah Xildhiban Ibraahim Axmed Haybe (Kacaan) Xildhiban Xasan Cawaale Caynaan
iyo Agasimaha Guud Ee Wasaradda Boosaha iyo isgadhsiinta Faysal Cali Sheikh,kuwaasoo lagu tilmaamo inay yihiin xubnaha ugu dhow ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Qorshahani Hormuudka u Yihiin Xubnahani ayaa la sheegay inuu Sabab u ahayd ka dib markii ay gobalka togdheer Xisbiga Kulmiye kala Kulmay Taagero La-aan

iyagoo ay Asxaabta Mucaradku Gobalka Togdheer ka Muujiyeen Tageerada ay ka Haystaan Gobalka, Masuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa iyagu si wayn uga Biyo Diiday Qaabka ay Gobalka Togdheer isaga Diwaan Galiyeen Tagerayasha Asxaabta Mucaradku,

Diwaan galinta Codbixiyayasha Ee ka soo Dhamatay Deganada Miyiga Gobalka Togdheer ayaa iyadu ahayd Mid Xanbarsan Fariin u Jihaysan Dhanka Kulmiye una Quusgoysay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye si fududna usoo bandhigtay iyada oo Aan la Gaadhin Wakhtigii Dorashada Tagerada Aan Aadka u Misanayn Xisbiga Kulmiye ku Leeyahay Gobalka Togdheer,

Shakhsiyadkaasi aynu Magacyadooda ku soo Xusnay Xaga Sare ayaa Shir-Jaraid oo ay magalada hargaysa ku qabteen waxay shegeen inay abaar baahsani ay ka jirto gobalada bariga iyo galbeedka Somaliland waxaanay shegeen in diwaan galinta dib loo dhigo,

lamana garanayo sababta ay hadalkan ugu soo beegmay wakhti diwaangalintii codbixiyayaashu ay gabagabo ka tahay gobolka togdheer ,noqotayna mid najaxday,

Sidoo kale wadamada dhinaca doorashooyinka ka taageera Somaliland ay si weyn u soo dhaweeyeen diwaangalinta ka dhacday Somaliland. Shacbiga Reer Somaliland ayaa iyagu si wayn uga Biyo diiday dhawaqaasi ka soo yeedhay Xildhibanada ka Tirsan wakiilada,

Waxaanay Dadka inta Badan u Dhuun Daloola Arrimaha Siyasadu ay ku Macneyeen Fariin ka Timi Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi una soo Dhiibay Shakhsiyadkaasi, Waxaana Dhawaaqa ka soo Yeedhay madaxda Kulmiye,muujinaysaa aragtida Xisbiga Kulmiye ee ku aadan Doorashada iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha, sida ay uga soo horjeedaan, kana Turjumaysa Kalsooni-Darada Uu Muuse Biixi ka Qabo Dorashada la Filayo inay dalka ka dhacdo 2017.

Inkastoo abaar ka jirto gobolada dalka ,hadana lama odhan karo haloo hakiyo hawsha diwaangalinta,madaama gobolka togdheer oo ka mida gobollada ay ka jirto abaartu hadana ay ka dhacday diwaangalintu,waxaana haboon in laysku barbar wado diwaangalinta iyo gurmadka loo fidinayo goobaha abaartu ka jirto balse waa in laga fogaado waxkasta lagu fashilanayo diwaangalinta Codbixiyayaasha oo talaabo guula u ah Bulshada Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews