berberatoday.com
Gobolka Saaxil wuxuu u baahan yahay Xal waara ee uma baahna Ajende Qarsoon iyo Xeelad Xukuumadeysan uma baahna in Ceelgarde Gorada lays geliyo oo Dalka khalkhal la geliyo. Qalinkii A/fidhinle UK‏
February 18, 2016 - Written by Berbera Today
Dhismaha Deked ama ha yaraato ama ha weynaato’e  waxay aheyd in lagu fadhiisiyo oo lagu dhagax dhigo xikmad iyo qorshe dawladeed oo ay ummaddu wada daalacato ee may aheyn in ilaa iyo mudo 9 bilood ah in  loo dhukuso ilaa iyo Madaxweyne Siilaanyo oo kolba qalabkii qaranka qaar loo xawawariyo. Waxaa la isku raacay in qalabka lagu dhisaayo Dekeda Macmanka ah ee Ceel-garde laga soo waariday Wasaarada Hawlaha Guud. Dhacdadaa foosha xun ee ka dhacday dhawaan Tuulo xeebeedka Ceelgarde oo xaga bariga 35 KM ka xigta magaalada Berbera waxaa denbigeeda leh oo dumada loo saarayaa Xukuumada Siilaanyo ee sii dhacaysa. Waxay Xukuumadu ogolaatay oo shaanbada ku dhufatay in Beelo Beelo noqdaan oo Dekado gaar u ah Sameystaan,  Waxay Xukuumadani ku caan baxday in ay Beelaha walaalaha ee dalka wada dega ay mal-mal isu mariso ,dhaq-dhaqaajiso oo ay  tusto in aan loo sineyn yuhuunta iyo wada-lahaanshaha anfaca iyo agabka qaranka. Iyada oo baylahda iyo Abaaraha Gobolka iyo dalkaba  ku habsaday ay aad u culis yihiin in hadana Cashuurtii Gobolka Saaxil ka soo baxaysay loo Faruur xidho Ceelgarde iyo Wadada Bariga Berbera lana yidhaahdo waa laga  fuudh yeelayaa  waa Xaaraan waana lagu mergan doonaa. Waa xaaraan in cashuurta laga ururiyo shacabka dan yarta ah ee Somaliland  in lagu gufeeyo Beelo gaar ah muskood iyo miscirirtood ee waxaa loo baahan yahay Qorshe Xukuumadeed dhameys tiran oo ka soo baxa Dawlada Hoose  ee Gobolka  Saaxil  iyo Dawlada Dhexe in Deked iyo Dalba lagu dhiso.
Dhismaha Dekedaa Macmalka ah ee Ceelgarde waxay khatar ku noqonaysaa Nabadgelyada Guud ee dalka, waxaa laga dhawaajiyey in Shirkada dabo ka nuuga  ah ee Liibaan Patroleum ay patrol
Yaman uga dhoofisay dhowr jeer sanadkii la soo dhaafay. Waxaa laga dhawaajiyey in Dekedaas Mac-malka ah ee Ceelgarde in markii horeba lagu yaqaanay ” Illigal unregulated fishing  and Smuggling ” Waxaa laga dhawaajiyey in Shir doceedyo Beelaysan oo ku saleysan Dhismaha Dekeda Ceelgarde  ay Gobolka Saaxil ka socdeen 9 kii Bilood ee udanbeysay taas oo ay gadhwadeen ka ahaayeen Wasiirada Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo gaarkood, kuwaas oo Madaxweynahana u yara caweys gudiyey dhowr jeer waqtigii uu booqashada ku Joogay Gobolka Saaxil magaaladiisa Berbera dhawaan.
Daciifnimada Dawlada Siilaanyo waxaa kaaga Mar-khaati ah in ” Dekedo la iska dhisto oo la sheegto ”  iyo  in Xeryihii Ciidamada la xaraasho, in Haamihii keydka shidaalka qaranka lagu wareejiyo
Shirkado sameys ah oo macaash doon ah oo dhinac ka raran. kuwaas oo qaar ka mid ah shirkadahaas Haamaha lagu wareejiyey ay hada sii shidaalinayaan oo Maalgelinayaan Dekeda Macmalka ah ee Ceelgarde si ay Patrol kootarobaan ah uga dhoofiyaa mustaqbalka. Daciifnimada Xukuumada Siilaanyo ee ku jahaysan dhacdoorinkii ka dhacay Gobolka Saaxil magaaladiisa Berbera waxaa kaaga filan . Weerarkii Maleeshiyo Beeleedka Hubeysani ay ku qaadeen Mashraxa 3-aad ee Berbera 3/11/14 dhacdadaas oo u dhacday sife loogu magic daray Gardaro Garab og. Maadaama aan la soo qab-qaban ragii dableyda ahaa ee khasaaraha geystay ee rasaasta ku furay Mashraxaa iyada oo maalin cadaan ah oo ummaddii wada daalacatay fawdadii goobtaa ka dhacday abaara 1 dii duhurnimo ee taariikhdu markey aheyd  3/11/2014.
Waxaa maanta dhamaan shacabka reer Somaliland u cadaatay in Xukuumada Siilaanyo ee sii dhacaysaa aaney laheyn karti siyaasadeed oo hufan oo ku  saleysan feker buuxa iyo aragti dheer (vision)
Laakiin uu hada xaalkeedii ku soo ururay Baruuro fudleyn, ku daneyso iyo ka daneyso, qaado aan qaatee, dhiso aan dhistee dhafan-dhaaf, dhalaan-habaabis, dhal-dhalaal been ah, musuq maasuq xadkii dhaafay oo xadhkihii goostay iyo boob qaawan oo hantidii maguuraan ka aheyd ee ummadda lagu lunsanaayo sifeyaal cilmiyeysan oo gacan-wadaag u badan.Waxaa aqoon yahanka iyo fogaan araga reer Somaliland isku wada raceen in Xukuumada Siilaanyo ee isxanbaaran uu hab maamulkeedu yahay  mid ka aradan Nidaam Dawladeed kaas aan aqoon buuxda u laheyn macaha Qaranimo iyo Milgaha Dawladnimo. Waxaa uu hada Gobolka Saaxil noqday Gobolkii ugu haboonaa ee  isku dhaca Beelaha wada dega iyo colaada Sokeeye laga hurin lahaa si xukuumadu qiil ugu hesho Dabo Dhahda ama 6 -da bilood ee ay doonayso in waqtiga doorashada la sii kordhiyo si ay kursiga ugu sii negaato.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax Banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews