berberatoday.com
Odayaal Iyo Waxgarad Ka Socda Bariga Burco Oo Shir Uga Furmay Hotel Barwaaqo Ee Berbera+Masuliyiinta Ka Qayb Gashey.
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

ShirkaBerbera(Berberatoday.com)-Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanka Bariga Magaalada Burco ayaa Maanta Socdaal ku yimi  Magaalada Berbera,kuwaasi oo Shir aan Caadi aheyn uga Furmay Hotel Barwaaqo,

Shirkaasi oo ay ka qayb galeen Masuliyiinta Beesha Bariga Burco ee Xilalka ka haya Magaalada Berbera, waxaana Masuliyiintaasi kamid ahaa Mareeye kuxigeenka Dekadda Berbera Cumar Abokor Jamac,Maamulaha Shirkada Dahabshiil Salebaan C.laahi Cadib,Madaxa Sarrifka ee Shirkadasi Kaysar C.laahi,Maamulaha Shirkada Libaan Petrolium, Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada iyo Degaanada Berbera iyo Burco.

Shirkan oo Socday Mudo Saacado ah ayaa waxa war ah aaney kasoo bixin,balse Xogaha laga Helayo shirkaasi ayaa waxay Tibaxayaan in Odayaasha Beesha Axmed Faarax ee ka soo dhaadhacey Burco iyo  Odayaasha Beesha Xasan Daahir ee Degaanka Saaxil aya Shirkaasi ku kale qaybsameen, islamarkaasina ay  iskaga horyimadeen Arrinta Degaameynta ah ee Beesha Axmed Faarax ay ka wado Saaxil iyo Dhismaha Dekadda Ceelgardi.

 

Halkan ka daawo Sawirada

 

hotel barwaaqokaysarsacad iyo talaabosalebaan cadibcuqaal

Dhinaca kale waxa iyaguna Shirkaasi ka qayb galey qaar katirsan Shaqaalaha Shirkada Somtel oo iyagu Shaqadoodii Fasax ka qaatey, islamarkaasina Mudooyinkii u dambeeyey ku Hawlaha Hirgalinta Dhismaha Dekadaasi Ceelgardi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews