berberatoday.com
Shirkii Golaha Wasiirada Xukumada Oo Lagaga Hadlay Abaaraha Dalka Ka Jira Iyo Sidii Qaadhan Loogu Ururin Lahaa
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhigii 191aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta oo khamiisa sidii caadada ahayd ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada kulankaas oo lagu Ansixiyey in Laamaha Dawladda laga jaro qaadhaan lagu kaabo xaalada abaaraha ee dalka ka jira.

waxaana shirku xooga aad u saaray qodobka abaaraha oo wakhtigan taagan madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha Guddida Abaaraha oo madaxweynaha shirka ku wehelinaayey, ayaa warbixin ka jeediyey shirkaas isagoo xusay in ay abaarihii sii baahayaan oo ay ku fidayaan dhul aanay hore u gaadhin oo horleh, hadii aan degdeg raxmaadka ilaahay inoogu imana ay arrintu sii adkaanayso, sidaasi awgeedna loo baahan yahay gurmad degdeg ah in loo galo waxka qabashada xaaladaa abaaraha, waxna loo gaadhsiin lahaa dadkaa iyo Duunyadaa tabaalaysan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ay durba soo xeroodeen qaadhaan ka yimid shirkadaha ganacsiga ah ee wadanigaa qaarkood, halka kuwo kale oo shirkadaha ganacsiga ahna uu qaadhaankoodu jidka ku soo jiro dhawaana ay filayaan.

Falanqayn dheer iyo xog waran ku saabsan xaalada abaaraha ka dib waxa laysla qaatay go’aamadan qadhaan ururintaa oo ay golaha wasiiraduna cod gacantaag ah ku ansixiyeen.

1. In Xubnaha Saddexda golle Qaran ee Dalka iyo Madaxda Hay’addaha Dawladda ee Madaxa banaan ay bixiyaan 20% Mushaharkooda oo loo kala qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
2. In shaqaale weynaha Dawladda laga jaro 10% Mushaharkooda sidoo kalena loo qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
3. Ciidamada kala duwan ee qaranka in laga jaro 5% Mushaharkooda loona qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews