berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo La Filayo Inuu Socdaal Berbera Kuyimaado Iyo Xujooyinka Horyaala Ee La Eegayo Siduu Waxa Uga Qabto
March 8, 2016 - Written by Berbera Today
Siilaanyo-berberaHargeisa(Berberatoday.net)Safarka madaxwayne Axmed maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maalinta bari ah la filayaa in uu ugu amba baxo magaalo xeebeedka Berbera ee Gobolka saaxil iyada oo socdaalka madaxwaynahu ayaa salka ku haya in uu kaqayb galo furitaanka diwaan galinta codbixiyayaasha oo la filayo inay arcabada ka bilaabmi doonta gobolka saaxil iyo sidoo kale degmooyinka Bali-gubadle iyo Gabiley, Dhinnaca kale waxa la sheegay inuu madaxwanahu ka qayb qaadan doonaa Sidii uu dadwaynaha Gobolkaasi ugu baraarujin lahaa qaadashada kaadhka diiwaan-galinta codbixiyayaasha,
Wararku waxay intaasi ku darayaan in socdaalkanni dhanka kale la xidhiidho arimo ay ka mid yihiin dilka taliyahii qaybta booliska Berbera oo beeshiisa kasoo jeeday iyo dajinta xaalada Gobolka Saaxil oo mudooyinkii ugu danbeeyey kacsanayd iyo beesha deegaanka Gobolka Saaxil oo tabashooyin badan oo isbarkan katirsanaysa Madaxweyne axmed Siilanyo iyo Xukumadiisa sidoo kale waxa iyana shacabka deegaanka Gobolka Saaxil isha kuhayaan oo eegayaan talaabada uu Madaxweyne Axmed Siilanyo ka qaado dhismaha dekeda macmalka ah ee Beeshiisu ka dhisanayso deegaanka Ceelgardi oo aanay habayaraatee wax deegaan ah kulahyn deeqsin mooyaane balse ay awooda dawladnimo kusoo hujuumeen dhacdooyin khatar galiyay amniga dalkuna ka dhaceen ilaa hadana aanay wax talaabo ah Xukumadiisu ka qaadin dhsiamaha Dekedaas oo ay hore Xukumadiisu usheegtay inay sharci daro tahay Dekedna ay dawladi uun dhisi karto hase yeeshee ilaa hada qalabkii dekedaas dhisaayay yaalo goobtaas warar hoosena ay sheegayaan in habeenkii shaqada la bilaabo maalinkii la hurdo shaqaalihii iyo ragii dhisaayayna ay Deeaankaas Ceelgardi joogaan,
Arinkaas ayaa xujo ku ah Madaxweyne Siilanyo waxaanu imaantinkiisu kala cadayn doonaa inuu rumeeyo in Dekedaasi tahay Deked Qabiil oo Madaxweynuhu beeshiisa la ogalyahay inuu talaabadii ku haboonayd ee hore xukumadiisu ugu dhawaaqday ka qaadi doono oo lasoo baabi,in doono dhsiamahaas ama Deked Ciidan oo Ciidamada ilaalada badu isticmaalaan laga dhigi doono.
Warka aanu helay ee la xidhiidha imaatinka Madaxaweyne Siilanyo ayaa sheegin wakhtiga rasmiga ah ee uu Gobolka saaxil kusoo waajahanyahay balse waxa la cadeeyay inuu bilawga diwaan galinta Gobolka Saaxil Berbera kusugnaan doono.
Berberatoday.com
 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews