berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Ku Baaqday In Haweenka Loo Qoondeeyo Kooto Doorashada 2017
March 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay baarlamaanka Somaliland, xukuumadda iyo xisbiyadda siyaasadda ugu baaqaysaa inay ansixiyaan kooto haweenku ay ku yeeshaan doorashada dhici doonto 2017.

HUMAN-RIGHTS-CENTER-LOGO-1(2).jpg

Sanad walba waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ah 8da March. Sanadkani wuxuu ku soo beegmay iyada oo Somaliland ay ka socdaan geedi socod loogu diyaar garoobayo doorashooyinka la cayimay in la qabto March 2017. Baarlamaanka iyo xisbayada siyaasaddu waxay hada ku hawllan yihiin wada hadal ku saabsan qaab dhismeedka sharci ee doorashada soo socota lagu maamulayo.

Kooto la siiyo dumarku waxay ka caawinaysaa ka qaybgalka siyaasasdeed, waxayna sidoo kale qayb
ka gaysanaysaa in lagu guulaysto sinaanta lamaanaha. Wada hadala hadda socda ee ku saabsan Xeerka lagu soo dooran doono xubnaha Golaha Wakiilada waa inay noqdaan kuwo xisaabta ku darsada sinaan la’aanta lamaanaha iyo caqabadaha badan ee hortaagan in haweenku si buuxda uga qaby qataan siyaasadda. Waa in haweenka laga qayb geliyo geedi socodka hada jira.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa dawladda iyo shacabka reer Somaliland ka codsanaysaa inay xoojiyaan sida ay uga go’an yihiin inay la dagaalamaan tacaddiga ku sallaysan sijniga iyo sinaan la’aanta. Xaruntu waxay si adag u canbaaraynaysaa tacaddiga loo gaysto haweenka. Xaruntu waxay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay ansixiso Xeerka Dembiyada Galmada (Sexual Offences Act), islamarkaana ay mamnuucdo gudniinka iyo guurka caruurta.

Hal ku dhegga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ahi waa “Balan qaadka Sinaanta”. Si loo rumeeyo, waxa loo baahan yahay in la qaado talaabooyin wax ku ool ah oo ku sallaysan rabitaan iyo ka go’aan.

 

Mulaaho Mohamed Ali

Afhayeenka, Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews