berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Diwaan Galintii Qaadashada Kaadhka Cobixinta Oo Saaka Gobolka Saaxil Ka Bilaabay Iyo Goobo Qalabkii Ka Xumaaday Oo Shaqadu Kataagtahay
March 12, 2016 - Written by Berbera Today

DSC03556Berbera(Berberaoda.com)-Saaka Subaxnimada hore aaa looga dareera guud ahaan Gobolka Saaxil qaadashada kaadhka diwaan galinta codbixinta, waxaana ka qeyb qaadanayay qaadashada kaadhka diwaan Galinta codbixiyayaasha guud ahaan shacab weyynaha Gobolka saaxil inta sharcigu ujideeyay inay xaq uleeyihiin inay qaaaan kaadhka Diiwaan Galinta.

waxaa kaloo iyaguna Goob joog u ahaa sida ay hawsha diwaan Galintu usocoto Madaxda Sadexda Xisbi Qaran iyo goob joogayaal Caalamiya.

Hawsha Diwaan Galinta oo saaka si habacsanaana ubilaabantay ayaa waxa hakad gashay shaqada diwaan galinta ee qaadashada kaadhka goobo badan oo kamida goobaha layska diwaan galinaayay ee magaalada Berbera gudaheeda, waxaana hakad keenay shaqaalaha hawsha fulinaayay oo intooda badani ku shaqayn kariwaayay qalabkii oo garan waayay iyo qaar qalabkii ka ciladoobay oo ka istaagay sida sarveradii iyo computeradii oo shaqayn waayay, waxaana kamida ahaa goobaha shaqadu ay maanta ka taagnayd Goobta Dekeda Berbera ee loo yaqaan Tradingka, Goobta Wasaarada Beeraha Iyo Goobta xaafada Burca sheekh. goobahaas ayaanay ilaa 10kii subaxnimo ee saaka wax shaqo ahi ka soconin.sidoo kale waxa iyagana laga soo sheegaayay goobo kale oo debeda magaalada Berbera ah oop iyagana aanay saaka wax shaqo ahi ka soconin oo qalabkii ka xumaaday. gudida komishanka doorashooyinka ayaa ku macneeyay shaqadaas taagan iyo qalabka xumaaday cilad farsamo oo la hagaajin doono

Halkan Hoose ka Daawo Muuqalka sida ay ku bilaabantay Diwaan galinta Gobolka Saaxil Iyo Masuuliyiinta ka hadlay

 

Halkan Hoose Ka Daawo Dhalinyaro Ka Cabanaya Goobihii ay Kaadhka codbixinta ka qaadan lahaayeen Oo shaqadii ka aagan tahay

 

DSC03569

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews