berberatoday.com
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Siweyn Looga Soo Dhaweeyay Degaanada Bariga Saaxil.(Sawirro)
March 12, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberaoday.com)-Bulsho-waynta ku dhaqan Deegaamada Bariga Gobolka Saaxil, gaar ahaan dhulka hoos yimaada labada degmo ee Xagal iyo Laas-ciidle, ayaa dhayda ka caddeeyey taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ku tagay dhulkaasi maanta.

image

Weftiga xisbiga KULMIYE oo ay ka koobnaa xubnaha hoggaanka, xildhibaanno, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ah bahwaynta ku midaysan oo kala matalayey guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay socdaal qaatay maalin dhammaystiran ku mareen degaamada kala ah; Beeyo, Xagal, Ceel-baxay, Hididalay, Laas-ciidle iyo Raari-bul, kaasi oo ujeeddadiisu ahayd sidii dadweynaha loogu wacyigelin lahaa inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaanna dadweynaha ku dhaqan dhulkaasi si ballaadhan oo aanay u kala hadhin ugu soo dhaweeyeen madaxda weftiga, isla markaana caddeeyey inay si buuxda u garab-taagan yihiin murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xaflado kala duwan oo lagu kala qabtay magaalooyinka iyo tuulooyinka degaannada weftigu mareen, ayaa masuuliyiintu kala hadleen bulshada iyagoo kala hadlay diiwaangelinta iyo faa’iidooyinka kala duwan ee ay u leedahay deegaamadooda iyo guud ahaan dalka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen dadka inay qaataan kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo la’aantood aanay waxba u tari karin xisbigooda ay taageersan yihiin iyo xildhibaannada ay doonayaan inay doortaanba.

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka, odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanka iyo haweenka deegaamadaasi, ayaa tilmaamay sida bulshadoodu u taageersan tahay xisbiga KULMIYE, iyagoo isku raacay in ay weligood taabacsanaayeen, una soo codaynayeen xisbigaasi.
“Waanu soo dhawaynaynaa weftigan xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, anigu waxaanba u aqaannaa inuu iminka Madaxweyne yahay, waayo waxa doortay inuu beddelo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, annaguna waanu qaadanay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah cuqaasha degmada Xagal.

“Bulshadan halkan ku dhaqan ee degan Ceel-baxay weligeedba waxay ahayd muxaafad oo marnaba aannu raacin mucaarad, waayo doorashadii u dambaysay dalka waa meesha keliya ee aan hal cod oo aan KULMIYE ahaydn laga soo qaadin. Xisbiga KULMIYE weligiiba wuxuu ahaa xisbi daacad ah oo dalka iyo dadkaba daacad u ah oo aad iyo aad u shaqaynaya oo ay ka muuqato waxqabasho.” Sidaana waxa ku tiraabay mid ka mid ah odayaasha degaanka Ceel-baxay.
Guddoomiyaha kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaannada kala ah; Mahdi Gees, Axmed Waysa-cadde iyo Mudane Qoor oo ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiirka Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mr. Cabdirashiid Riyo-raac, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Afhayeenka KULMIYE Xasan Gaadhaafi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Maxamed Iid Dhimbiil iyo saraakiil kale oo hadallo kala duwan u jeediyey dadka ku dhaqan deegaamada ay mareen, ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee loo sameeyey, waxaanay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan cabashooyin la xidhiidha adeegyada bulshada oo meelo ka mid ah deegaamadaasi u gudbiyeen.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna si wayn ugu mahadceliyey taageerada ballaadhan ee bulshada bariga Saaxil u muujiyeen oo ku abuurtay farxad iyo rayn-rayn, waxaannu kula dardaarmay shacabka inay iska xilsaaraan diiwaangelinta oo ka qaybqaadashadeeda wayni waxtar iyo qiimo u noqonayso dalka, degaamadooda iyo xisbigiisaba.

 

 

imageimageimageimageimageimageimage imageimageimageimageimageimage

 

Berberatoda.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews