berberatoday.com
XASAN AL-BANNA: DHEEMANKII QARNIGA- QORE: SH. CABDIRISAAQ CABDIRAXMAAN
March 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Qaybtii 2aad

Haddaba qarnigan Rabbi wuxu soo saaray halyeey qaab-fikirkaa ku baraarugsan oo isku taagay baraarujin inu ku sameeyo ummadda Muslimiinta oo uu u sheego sida xaal yahay iyo xalka lagaga bixi karaa inu yahay hoggaan mid ah oo la helo. Laakiin haddii qoloba ardaageeda iska doyeysato, kolka duul lala haadayana isha u marto in cid hadhaysaa aanay jiri doonin.

Xasan Axmed Cabdiraxmaan wuxu dhashay sannadkii 1906, kuna dhashay magaalada Maxmuudiya ee waddanka Masar. Waxa la soo wariyaa inu ka dhashay qoys diin aqoon ah; aabbihii wuxu ahaa nin ku horreeya aqoonta xadiiska.

Maxmuudiya ayuu Quraanka ku xifdiyey, dugsiyadiisi hoose, dhexe na ku dhammaystay. Dugsigiisi sare wuxu ku qaatay Qaahira, sidoo kale jaamacaddiisina ku dhammaystay sannadkii 1924. Wuxu ka baxay kuliyaddii macalimiinta ee la odhan jiray ‘Daarul-culuum’. Wuxu macalin ka noqday dugsiyadii sare ee Qaahira.

Raggii ay xirfad wadaagta ahayeen waxa laga hayey; “Kaliya muu ahayn macaline kol kasta oo aannu jaanis isku helno wuxu nagala hadli jiray dhibta idil ahaan Haysata Muslimiinta iyo gumaystaha ku habsaday dhulalkoogii. Ee dadnimadoodi xaqiray, caqligana in badan ka dulleeyey. Qaab-fikirkiisana uga dhigay kii badhaadhaha. Dhaqankiisina ugu sheegay ilbaxnimo. Wuxu nagala hadli jiray in aannu u fiirsanno diin badalka socda ee inankii shalay Maxamed ahaa maanta yahay Joon ‘John’ sidoo kale wuxu noo sheegi jiray dullinimadan in ay sabab u tahay kala daadsanida Muslinka haysata, xalkuna yahay hoggaan mid ah oo la helo.”

Aas-aaskii Ikhwaanul-Muslimiin

Khilaafadii ugu dambaysay Muslinku waxa ay duntay sannadkii 1924-kii. Itaalkay doonto ha lahaate waxa ay ahayd dallad la wada hadhsanayey. Qofkii garaad lihina wuu arkayey in aan rajo la sugayn hoggaan la’aan, qofkii kala tagga ka shaqeyeyna aanu u adeegayn dan Muslin.

Xasan wuxu ahaa raggii baraaruga sameeyey; guri gurina ugu tagay saaxiibadii si ay ula wadaagan qaab-doonistiisa. Horraantii sannadkii 1928-kii ayuu gurigiisa ugu yeedhay dhowr qof oo saaxiibadiisu islahaa sirtaa waad ku aamini kartaa ah, waxna way kula qaban karaan. Wuxu u sheegay fikirkiisa ah inu sameeyo unug ka shaqeeya hawlaha diinta ee baylahsan. Unuggaa oo magaciisu noqon doono  Ikhwaanul-Muslimiin.

Xasan saaxiibadii habeenkaa wuxu u soo bandhigay hadafkiisu in u yahay in la helo; Islaam mid ah, Islaam xoog leh iyo Islaam aqoon leh. Wuxu u sheegay si afartaa loo helo in ay laga marmaan tahay in afar la hela:

  • Qof Muslin ah
  • Guri Muslin ah
  • Ummad Muslin ah
  • Xukun Muslin ah

Saaxiibadii qorshahaasi wuxu tusay in saaxiibkood indheergarad yahay. Isaga oo laba iyo labaatan jir ah inu hammigaa leeyahay waxa ay ku noqotay mid la yaab leh.

Waxa muuqata dhiska u doonayey inu udub dhexaad u yahay qof Muslin ahi, kaa oo badhi taageeraya sidii loo heli lahaa guri muslin. Guriga Muslinka ahina waa ka soo saaraya ummad Muslin ah oo doonaysa in ay isku xukumaan xukunka Rabbi SWT.

La soco qaybta saddexaad……

Talo iyo tusaale ba waa xagginna

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

         Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

                Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

                    Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                                Rakuub.wordpress.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews