berberatoday.com
“Waxaan Idinku Boorrinayaa In Aad WADDANI Taageeradiina Siisan” Wasiir Waran-Cadde
March 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Waxaan Ku Faraxsanahay In Aad WADDANI Iska Soo Sharaxdid Waayo Waa Halka La Iskugu Imanayo” Waxaan Filayaa In Uu Alle Khayrku Halka U Ku Jiro Idin Waafajiyey Oo WADDANI Ah”

“Waxaan Idinku Boorrinayaa In Aad WADDANI Taageeradiina Siisan” Wasiir Waran-Cadde

   madaxda-Wadani

Hargeysa  (Berberatoday.com) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  Md Cali Maxamed Warancade, ayaa goob fagaare ah ka sheegay sida uu u taageersan yahay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu hore uga tirsanaan jirey intii aan xilka wasiirnimo uu madaxweyne Siilaanyo u  magacaabin, isla-markaana aanay jirin meel uu iskaga casilay xubbinnimadiisii. Wasiir Waran-cadde oo dhawaan ka hadlay  munaasibad loo qabtay wiil dhallinyaro oo  beeshiisa ah,  kana sharraxn xisbiga WADDANI dhexdiisa ayaa si qiire leh dadweynihii xafladdaas ku sugnaa ugu sheegay in xisbiga WADDANI yahay xisbi awood badan, isla-markaana ay adag tahay in lala tartamaa, waxana uu meesha ka saaray awoodda xisbiga KULMIYE ee uu ku fadhiyo kursigii uu xaqa u lahaa.  Codka wasiir waran-cadde oo qayb kamid ah aanu helnay, ayuu wasiirku farxad weyn ku tilmaamay in wiilkaasi iska sharraxo xisbiga WADDANI, waxana uu dadweynihii goobtaas fadhiyey ugu baaqay inay xoojiyaan taageeradooda xisbiga Waddani, “Waxaan ku faraxsanahay in aad WADDANI iska soo sharaxdid waayo Waa halka la iskugu imanayo, waxaan filayaa in uu alle idin waafajiyey khayrka halka u ku jirro oo WADDANI ah, waxaan idinku boorinayaa in aad taageeradiina siisan WADDANI”ayuu yidhi wasiir waran-cadde.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxaad ogaataan in Xisbiga qudha ee la iskugu imanayaaa uu yahay Xisbiga WADDANI, mid xukuumadda ka tirsan iyo mid kaleba waana la arkaa inuu ugu dhaq-dhaqaaq roon yahay”Ayuu yidhi warancade.  Hadalka kasoo yeedhay wasiir Waran-cadde, ayaa muujinaya inuu  hoosta ka wado taageeradiisa la xidhiidha xisbiga Waddani oo uu markii hore si qarsoon u wadan jirey, waxana xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  looga baahan yahay inay tallaabo ka qaaddo wasiirkan ku hawllan taageerada xisbiga hamuunta u qaba kursiga uu madaxweyne Siilaanyo saaran yahay.

Hangoolnews/Staff

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews