berberatoday.com
Al-shabaab Oo Sii Wadda Is-ballaadhinta Ay Ka Bilowday Puntland Iyo Dagaallo Hor Leh Oo Ka Dhacay Deegaanno Kulaalaya Xadka Somaliland
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Al-shabaab oo dagaalo ka bilowday Buuraleyda Galgala ee Xadka Gobolka Sanaag

Garacad(Berberatoday.com)-Dagaal culus oo Ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab u dhexeeya, ayaa Shalay ka dhacay deegaan  18KM u jira degmada Gara-cad ee Gobolka Mugud, halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab galeen 14-kii bishan March.

Warka 2-aadWararka laga helayo Deegaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa  mid aad u culus oo labada dhinac ay is-dhaafsanayaan hub culus, inkastoo aan weli la garanayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Xoogagga Al-shabaab, ayaa la sheegay in ay ku qul-qulayaan deegaanno ka tirsan xeebaha-bari ee maamulka Puntland, halkaasoo ay kooxdan dhawaanahan si aad ah isugu fidinayeen deegaannadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Puntland ay dhowr jeer ka hor-joog-sadeen Xoogagga Al-shabaab in ay u gudbaan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, in-kastoo weli aanay Puntland natiijo ka gaadhin dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab ka tirsan.

Wararka ayaa xusaya in dagaal-yahannada Al-shabaab ay galeen dhul kayn badan leh oo lagu magacaabo Dhafa-ruurley, halkaasoo la sheegay inuu ka socdo dagaalka Shalay  Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab  dhex-maray.

Ciidammada Al-shabaab oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin Afar Boqol, ayaa doonaya inay gaadhaan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ee Puntland, taasi oo la sheegay inay qayb ka tahay is ballaadhinta Al-shabaab.

Warbaahinta Puntland, ayaa Shalay soo bandhigtay Sawirka Nin oo ay sheegeen in lagu soo qabtay Dagaal deegaanka Suuj ku dhex maray Ciidammada Puntland iyo kuwa Al-shabaab oo la sheegayo in dib looga qabsaday Suuj. Iyadoo dhanka kalena Warbaahinta Al-shabaab taageertaa sheegeen in Dagaal la mid ah ka dhacay Duleedka Garacad uu ka dhacay Buuralayda Galgala, ka dib markii Al-shabaab Habeen hore Weerar ku qaadday Fadhiisimada Ciidammada Puntland ku leeyihiin Galgala.

Warbaahinta Al-shabaab taageertaa waxay intaa ku dartay in Hubka ay dagaalyahannada Al-shabaab iyo Ciidammada Puntland isku ridayeen laga maqlayey Magaalada Boosaaso, inkasta oo aanay sheegin khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.

Dhanka kale, Dadweynaha ku dhaqan Puntland, ayaa ka qayb-qaadanaya gurmadka loo fidinayo Ciidammada Maamulka Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab, waxaana Haweenku dubayaan Cuntada loo yaqaanno ‘Sabaayadda’, waxayna karinayaan Hilib Xoolaad loo dirayo Ciidammadooda, iyadoo taasi ay barbar socoto dedaalo ay Shacabku ka qayb-qaadanayaan oo Saanad Ciidan lagu gaadhsiinayo Ciidamada Dagaalka kula jira Al-shabaab.

Ciidammada Al-shabaab, ayaa la sheegay inay ku hubeysan yihiin hub Casri ah, kaasi oo Warbaahinta qaarkood sheegayaan in dhawaaqiisu cabsi abuurayo, iyadoo Askar ka dhaawacantay Ciidammada Puntland si joogto ah loo keeno Cisbitaallada Magaalooyinka Puntland tan iyo markii uu bilaabmay Dagaalka Al-shabaab isku ballaadhineyso ee ka socda deegaannada Garacad iyo Suuj ee Puntland.

Dagaalka Al-shabaab iyo Ciidammada Puntland ku dhex maray buurelayda Galgala oo kulaalaya Xadka Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa ku soo fidi kara gudaha Somaliland haddii laga awood roonaado dagaalyahannada Al-shabaab, inkasta oo Ciidammada kala duwan ee Somaliland heegan buuxa la geliyey markii Al-shabaab Dagaallada ka bilowday

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews