berberatoday.com
Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Xubin Cusub Oo Guddoomiyaha Waddani U Xulay Guddida Ictiraaf-raadinta Oo Isaga Hore Madaxweynuhu Ugu Magacaabay
March 24, 2016 - Written by Berbera Today

”Qof ahaan la iima Magacaabin ee Xilkaa la Magacaabay, markaa haddii Qofku banneeyo (Xilka) wuu ka baxayaa (Guddida Ictiraaf Raadinta)…..” Boobe Yuusuf Ducaale – Wareysi

Boobe-Yuusuf-Ducaale

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Xubin Cusub u Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ka dib markii uu is-casillay Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Boobe Yuusuf Ducaale oo Guddidaasi u matalayey.

Warqad lagu socodsiiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku sheegay in Axmed Xaddi Sidci uu buuxinayo Xubintii Xisbiga WADDANI ugu jirtay Guddida Ictiraaf-raadinta, maaddaama oo uu Xisbiga iska casillay Boobe Yuusuf Ducaale oo Xisbiga Guddidaas ugu jiray.

Warqadda Guddoomiyaha WADDANI ku Caddeeyay in Xisbigu buuxiyey Xubintii ugu jirtay Guddida Ictiraaf-raadinta, ayaa u qornayd sidan:- Ujeeddo: Buuxinta Xubinta Gudidda Aqoonsi-raadinta.

Mudane Wasiir, Tixraac Warqadaada  ku taariikhaysanayd  20/3/2016 kuna saabsanayd buuxinta xubinta Xisbiga WADDANI ee Gudidda Aqoonsi-raadinta. Waxa Xisbiga WADDANI Xubintaas u soo magacaabay Mudane: AXMED XADDI SIDCI.”

Dhanka kale, Xoghayihii hore ee Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu u arko in Xisbiga WADDANI buuxiyo Xubintii Guddida Ictiraaf-raadinta ee isaga hore loogu Magacaabay, ayaa sheegay inaan isaga Shaqsi ahaan aan Guddida loogu darin, laakiin uu matalayey Xisbiga WADDANI oo uu Xoghayaha Warfaafinta ka ahaa, haddii uu Xilka banneeyayna ay Sax tahay inay Xubintaa buuxiyaan.

”Aniga Shaqsiyan uguma Magacowneyn Guddida Ictiraaf Raadinta, laakiin waxa la Magacaabay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI, Haddaan Xilkaa dhigayna waan ka baxayaa (Guddida Ictiraaf Raadinta), markaa wax dhibaato ah iguma hayso (Buuxinta Jagadaasi), Waayo? Qof ahaan la iima Magacaabin ee Xilkaa la Magacaabay, markaa haddii Qofku banneeyo (Xilka) wuu ka baxayaa (Guddida Ictiraaf Raadinta)…”ayuu yidhi, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews