berberatoday.com
Abwaan Weedhsame oo Gabay Qiiro Leh Ka Tiriyey Xaalada Abaareed ee Dalka Iyo Dhibaatada ay Ku Sugan Yihiin Dadkeena ay Abaaruhu Saameeyeen
March 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatodayu.com)-abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ka mid ah abwaaniinta reer Somaliland ayaa tix maanso ah ku cabirey dareenkiisa abaaraha baahsan ee dalka ka jira,

Maansadan oo iskugu jirta waano duco iyo alle bari ayuu abwaanku si qoto dheer u kala dhig dhigayaa xaalada aadka u adag ee ay ku sugan yihiin dadkeenii xoolo dhaqatada,iyo beero qodotada ahaa ee ay abaaraha aad ka u daran saameeyee,

Halkan Ka Akhri Gabaygaasi

Gurbood-dhadhiya, waayeel-gayaxa, geesi kaga qaysha,
Abaar geel-idlaysaa dhacdiyo geedo wada leefe,
Iyadoo badhkeen oon u go’ay haad ku gabasleeyey,
Haddaynaan gurmanin oo hagrano waa gunnimo weyne, 
Guntadaay ma soo bixin fadhiyo maalin la gam’aaye.

Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso,

Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta,

Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara,

Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso,

Way galangalcoobeen dadkii kugu gadaanaaye,

Goonyahaaga baahida jirtaa waa mid ganac weyne,

Giriyaad harraad baa ku dilay gabanadeeniiye,

Hooyada sidii awr gurgura guudka ubad saartay,

Ee socodka goobyaalaysee qaydku kala gooyey,

Ee goror biyo ah haysanee luunka lagu gaadhay,

Ee weliba gabankay siddaa hooyo garow leeyey,

Uma waayin guullaha ilaah gaawe iyo soore,

Gurmadaay dadkeenii miyiga waan ka gaabinaye,

Markaan hebel u guusaynee doorashada gaadho,

Laabtaan garaacnaa hoheey ginida dhiibnaaye,

Inta aan is guubabineen wax isu geygeyno,

Waynaga nimaan gees ridayn laguma guuraanka,

Gumariyo adduun siinaneen gurano qaadhaane,

Gaasiraad abaar gaabisiyo, gaajo lagu leeday,

Kama gubano keenii golmoon waad ka gudhantiine,

Nin walaalkii gaajoonayoo saa gilgilan waayey,

Wada dhalasho geeraa ka mudan kuu gurmani weyday,

 

Halkan ka daawo

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews