berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Musharaxa Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Dhawaaqay Inaanu Dhexdhexaadin Danbe Oo Faysal Cali Waraabe Dhexmarta Aqbalayn Garsoor Maxkamadeed Mooyaane
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Jamaal Cali Xuseen

“Markii hore aniga iyo faysal ayaa is haystay imika Faysal iyo xisbigii ayaa is haysta faysalna markii uu arkay xisbigii oo ka soo hor jeeda nin allaale ninkii hadlay Cali Gurey uun maahee waadigii arkaayey dhawr iyo toban qof ayuu yidhi waan eryey waan casiley waa

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharax Jamaal Cali Xiseen oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu si adag uga hadlay khilaaf xoogan ee ka dhex taagan xisbigaasi,

Jamaal cali Xuseen waxa uu ugu horeyn beeniyey isla markaana uu sheegay in aanu haatan diyaar u ahayn ayna jirina wax dhex dhexaadin ah oo haatan uu diyaar u yahay hase yeeshee ay ku kala baxayaan sharciga kaasi oo uu sheegay hadii uu yahay garsoor iyo cadaalad ka madax banaan xukumada iyo xisbiga kulmiye,

Jamaal oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii

“Dhex dhexaaxaadis dooni mayno imika anagu diyaarna uman nihin wayna dhamaatay boqol dhex dhexaadimood ayaan ogolaa intaas oo dhan Faysal wuu I khiyaameeyey, mar allaale markii la yidhaahdo hesiish ayuu dhinaca kale u rogayaa,

 

Faysal waanu isla soo baaba,nay oo xal danbe ma jiro waa gar daro garab og Faysal waxuu isku halaynayaa xukumada Somaliland iyo dawlada iyo qoladan kulmiye oo u carab laalaadiyey waananu ogaan doonaa in maxkamada sare ay tahay meel Kulmiye leeyahay oo Kulmiye u xukumaysa iyo in kaleeto,”

Dhanka kale Jamaal Cali Xuseen waxa ka waramay qaabkii iyo sidii ay heshiiska u wada galeen faysal Cali waraabe iyo sidoo kale lacagta kaga baxday inta ay leegtahay isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Dee barigaa aniga faysal ayaa ii ymid anigu umaan tagin dad ayuu iisoo direy Faysal odayaal ayuu iisoo direy Suldaankiisa guud Suldaanj Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ogaa oo ka martkhaati ahaa, 

Mar allaale markii uu Faysal dhibaatooday ee uu ogaaday in xisbigii aanu dhaqaajin karayn meelna u dhaqaajin Karin xisbiga badankiisuna uu Waddani galey cidina ayna u joogin dad aanu hayn dhaqaalena aanu hayn ayuu Faysal Caawimo u Baahdey,”

Faysal anaga waxuu nagu yidhi waar anigu bahashii waan ka daalay oo laba goor ayaan dhacaye markale is sharaxi maayee musharaxnimada qaatoo xisbiga mar kale inoo soo saara waxaanu qaadanay anagu musharaxiintii baan qaadanay maadama aan musharaxiintii qaadanay Hogaanka badankiisii Faysal ayaa qaatay anaga waxa noogu jirey uun gudoomiye kuxigeenka Sadexaad iyo xoghaya guud uun,”

Jamaal Cali Xuseen Waxa uu ka hadlay oo kale xil ka qaadisti uu gudoomiyaha xisbiga Ucid ku sameeyey gudoomiye kuxigeenka sadexaad ee xisbigaasi Ucid Cali Maxamed Yuusuf cali Gurey,

“Markii hore aniga iyo faysal ayaa is haystay imika Faysal iyo xisbigii ayaa is haysta faysalna markii uu arkay xisbigii oo ka soo hor jeeda nin allaale ninkii hadlay Cali Gurey uun maahee waadigii arkaayey dhawr iyo toban qof ayuu yidhi waan eryey waan casiley waa waali cas weeyaan waxan uu sameeyey faysal runtii oo waad arkaysaayoo imika hadaad eegtid qodobka 22 aad ee xisbiga meelna kagama jirto awoodaha Gudoomiyuhu in uu wax eryi karo,

Waxa ka sii daran taas shalay intuu inamo yar yar oo isaga ag joog jooga intuu u yeedhey ayuu yidhi waxa weeyaan gudiga joogtada ah Cali Gurey ayay eryi karaan ,”

Geesta kale Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhaliilo kala duwan u soo jeediyey xukumada iyo xisbiga Kulmiye ku waasi oo uu sheegay in ay adeegsanayaan faysal Cali Waraabe, Jamaal oo arimahaasi mar kale ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Faysal waa nin la adeegsanaayo xisbiga kulmiye ayaana adeegsanaya xisiga Kulmiye waxa uu arkay in aan ka dar dar fiicanahay in aanaan anagu dalka danbi ka galin in aanu wanaag u wadno in aanu waji cusub u furno in dhalinyaradii dumarkii iyo dadkii bulshada reer Somaliland oo dhami ay noo soo istaageen markaa waxa ay keeneen waliba ninka la yidhaahdo Muuse Biixi oo waliba uu dabada ka wado ninka la yidhaahdo in Aw Siciid iyo xukumaduba kuligood in ay yidhaahdaan ninkaasi yaanu inala tartamin markaa si ay taas markaa u carqaladeeyaan oo xisbiigana u carqaladeeyaan waxay adeegsadeen gudoomiyahayaga oo runtii aanu aad ula yaabney iyada oo  aanu filayn in dimuqraadiyada Somaliland uu qayb ka ahaa ayaa imika qayb ka ah, taariikhdu sheegi doontaa in uu noqon doono ninkii dimuqraadiyada duminaayey waxa uu u isticmaalay in uu isagu kaash garaysto xisbigii” sidaasi waxa yidhi Jamaal Cali Xuseen

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews