berberatoday.com
Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Debeda Uga Saaray Ina Awr Liqe Shir Ay Jufadiisu Ku Lahayd Gurigiisa
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xogo xaqiiqo ah oo ay helayaan Warbaahinta Madaxa Banaani ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay guriga gudoomiye Muuse ku leeyahay magaalada Hargeysa  uu ka  qabsoomay kulan ay isku yimaadeen beesha gudoomiye Muuse Biixi kuwaas oo kaga tashaanaayey hawlo u gaar ah

muuse biixi

Kulanka ayaa waxaa xubnihii ka qeyb galaayey ee ay isku beesha ahayeen gudoomiye Muuse Biixi  u sii kaxeeyeen isla markaana ay guriga geeyeen masuul ka tirsan isbaheysiga Kulmiye oo ay isku beel yahiin gudomiye Muuse Biixi

Masuulkan oo lagu magacaabo Ina Awar Liqe isla markaana hore u ahaan jiray agaasimaha wasaarada xidhiidhka golayaasha Somaliland kana mid ah siyaasiyiintii Isbaheysiga iyo mujaahidiinta madasha wadatashiga

Markii uu gudoomiye Muuse Biixi shirka ay beeshiisu ku laheyd aqalkiisa uu soo dhex fadhiistey  ayaa waxaa u  markiiba  indhaha ku dhuftey siyaasigan ay  siyaasada ku kala aragti duwaanadeen balse caawa aqalkiisa kula sugan

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu siyaasigan ugu hanjabey sababta uu gurigiisa u soo galay waxaana uu cod dheer ugu sheegay in sida ugu  dhakhsaha badan uu uga baxo Guriga

ragii ay isku beesha ahayeen Gudoomiyaha iyo siyaasigan ayaa isku dayey in ay arintan dhex dhexaadin  ka galaan balse gudoomiye Muuse Biixi ayaa ku gacan seydhay kuna  cel celiyey in uu aqalkiisa ka baxo

Ugu danbeytii markii gudoomiye Muuse Biixi uu aqbali waayey hadalkii iyo soo jeedimihii beeshiisa waxaa uu xalku noqdey in uu siyaasigan dibada uga soo baxo guriga gudoomiyaha Muuse Biixi oo marka horeba lagu kaxeeyy ju juub iyo  cago jiid

 

 

 

Xigasho Ilaysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews