berberatoday.com
Warar dheeraada Oo Kasoo Baxaya Doonidii Ku Degtay Bada Giriiga Iyo Wiil Ka Badbaaday Doontaasi Oo Ka Waramay Sababtii Doontu Udhacday
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo ay soo baxayaan wararka sheegaya inay korodhay tirada dadkii ku geeriyooday doonidii ku qaraqantay xeebaha dalka Giriiga ayaa hadana waxaa jira tiro dhalinyaro ah oo ka badbaaday Shilkaasi.

 

Liibaan Khadar Jaamac waa wiil dhalinyaro ah oo ka badbaaday doontaasi, kadib markii ay gadoontay dooni lagu wareejinayay rakaabkii saarnaa laash uu ku jiray.

Waxaa uu Liibaan sheegay in uu ku jiray 38 qof oo saarnaa laashka dadka laga daad gureynayay kadibna  markii ay dhacday doon ay saarnaayeen 500 oo soomaali u badan ay halkoodii saarnaayeen.

Liibaan waxaa uu ka waramay xaaladii ay kala kulmeen Bada markii ay dhacday doontaasi, waxaana wareystay  Ismaaciil Farjar oo ah Wariye ka tirsan VOA waxaana uu waydiiyey waxay la kulmeen iyo sababta doonidu u dhacday

“Waxaanu soo baxnay Jimcihii dhaweyd kii ka horeeyay 7 bisha, doontii waynayd ee naloo waday , waxaa ku jiray ilaa 200 iyo dheeraad qof, 200 boqol oo kale markii ay fuuleen ayay doontii cuslaatay oo way dhacday culeys darteed.”ayuu yidhi Liibaan Khadar.

Liibaan oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Annaga 38 oo xagayaga ku hadhay  ayaanu kaga hadhnay doontii, waxaanu saarnayn laashkii kale ee lagu wareejinayay doontaasi dhacday oo kamaanu dagin, waxaanu sameynay ma jirin, dadkii way wada daateen oo halkii ayaanu kaga nimidnay, hadii lasoo guri lahaana doonta ayaa nala dhacaysay, gurmad ayaa loo diray oo cid uma iman, waxaanu ku ogaanay in dadkii dhinteen markii ayaanu soo qaadnay shan qof, afar way badbaadeen hal qof ayaa dhintay oo bada ayaa lagu tuurey”

Waxaa kale oo Liibaan la waydiiyay tirada rasmiga ah ee saarnayd Doontaasi waxaanu yidhi“Dadkaasi waxay ahaayeen 510 oo aanu maydkooda kusoo dhaafnay bada, soomalidu waxay gaadhayeen 340 qof oo iyaga ayaa ugu badnaa, inta kale waxay ahaayeen itoobiyaan, Oromo, Eretariyaan iyo Suudaaniyiin.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews