berberatoday.com
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Tilmaan Ka Bixiyay Shaqsiyada Cali Guray Muxuu Ku Tilmaamay Tolow?
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Ninka Cali Gurey La yidhaa Muxuu Sifo Ah Oo Uu Leeyahay”

cali-guray-jamal-cali

Cali Maxamed Yussuf (Cali Gurey) waa siyaasi ruug cadaaya. Waa shakhsi diin iyo iimaan leh. Waa qof damiir iyo dadnimo leh. Waa qof aan la iibsan karin damiirkiisa dadnimo iyo mawqifka uu u taagan yahay. Waa qof qawlkiisa iyo qalinkiisaba ixtiraama oo leh meel loogu soo hagaago. Weligii inuu dadka isku soo dhaweeyo mooyee, iskuma diro dadka. Hadduu u taagi waayana dhinaca uu xaqa u arko ayuu raacaa siday doontaba ha ahaatee oo isagu xaqa ayuu u hiiliyaa. Waa qof ku dhac iyo hal-adayg leh. Waa qof aan kursi jeclayn oo anigaa runtii ku khasbay in uu qaato jaggadda Gudoomiye Ku Xigeenka 3 aad oo ka mid ahayd jagooyinkii uu garabkaygii UDUB saami qaybsiga u helay ka dib heshiiskii Badbaadadda UCID ee labadda garab ku bahoobeen si loogu tafo xayto siduu uu xisbigga UCID u noqon lahaa xisbi qaran mar kale. Iyaduna sidoo kale Jaggadda Xoghaya Guud laftigeedu ayaa ka mid ah jagooyinkii aanu saami qaybsiga ugu helnay oo aanu hore ugu magaacbnay Ahmed Keyse sida la ogsoonaa imikana aanu dhawaan soo buuxin doono; oo golaha dhexe ee Xisbigga UCID horgeyn doono haddii Eebbe iidmo shakhsiga aanu la rabno jagadaasi. Sidoo kale hirgelinta dhamaan heshiiskii labadda dhinac waxaanu buuxin doonaa jagooyinkii aanu kuli 50% helnay dacwadda ka dib.

Runtii Cali Gurey waa shakhsi ay ka go’an tahay in ay dalkan ay hogaamiyaan dhalinyaradda iyo aqoonyahanka reer Somaliland si dalkeenu uu isbedel ugu yimaado. Maaha shakhsi kursi jecel, maaha shakhsi lacag jecel oo la iibsan karo. Waa nin ku adag mawqifkiisa oo aan xisbigga ula socon in uu isagu wax ka helo; haddii kale sidii kuwii horeba wuu ka tagi lahaa xisbigga oo xisbiyaddaa kale ee ka qabow ayuu u tegi lahaa sida ay sameeyeen qaar hore oo UCID ka cararay. Cali wuxuu leeyahay Xisbigga UCID waa xisbi qaran oo la wada leeyahay oo 120,000 (boqol iyo labaatan kun) oo cod ku soo baxay tartankii golaha deegaanka. Markaa dadkaasi oo dhan ayaa wada leh, lagana ogolaan maayo in qof iyo kooxi ay ka sheegato xisbigga dadka intiisa badan. Cali runta kama gabado inuu sheego; xoolahii ummaddana guri loogama dhisin; waana shakhsi isku kalsoon. Waana odoyaasha laf-dhabarka u ah Xisbigga UCID. Waa shakhsigii ugu horeeyey ee aanu isla qaadanay in aanu soo saari karno xisbigga UCID, ilaa maantana aan naga hadhin ee dabadda naga wadda oo marna na canaanta, marna cidii qaldan runta u sheega isagoo eegaya xeerarka xisbigga, go’aanadda golaha dhexe; iyo axdigii lagu heshiiyey. Salaan Carabey baa ay gabaygiisii ku jirtay; Xaasha’e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaabe!

 

 

 

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews