berberatoday.com
“Dhalinyarooy: Waxaan Idin Leeyahay Ha Tahriibina Kulmiye Wuu Inaga Tagayaaye”
April 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, Afhayeenkii Xaqsoorna ahaa ayaa waxa uu sheegay in maamulka Xukuumaddani keenay inay Dhalinyaradii dalku tahriibaan, oo baddaha nafahooda ku biimeeyaan, markii ay ka waayeen shaqo abuur, iyo cadaalad.

1

Cabdirashiid Jaamac Dheri oo arintan ka hadlayaana wuxuu yidhi “Kulmiye wuxuu odhan jiray UDUB wey tagaysaa ee ha tahriibin walaal, iyada oo Kulmiye ku beer laxawsan jiray Dhalinyarada odhaahdaas, laakiin odhaahdii Kulmiye ee ahayd UDUB wey tagaysaa ee ha tahriibin waxay keentay maamul xumo dhalinyaradii baddaha ku qarqoomaan, waxay keentay in dhalinyaradii ugu badnayd ee reer Somaliland baddaha ku dhintaan wakhtigan, waxay keentay maamul xumo, qabyaalada oo dhinaca xun laga isticmaalayo, waxay keentay cunsuriyad,  waxay keentay eex, waxay keentay shaqo la’aan baahsan, waxay keentay in xattaa madax dhaqameedkii iyo salaadiintii reer Somaliland ilaa hadda iskaga xidhan yihiin Mandheera iyaga oo bilaa dambiya, waxaana fool xumo ah in ilaa hadda Maxkamada la hor keenin madax dhaqameedkaas.

Dhalinyarada geeriyootay waan ka tacsidaynayaa ehelkii, waalidkii iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen, ILLAAHAY waxaan ka baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, ee dhalinyarooy waxaan idin leeyahay ha tahriibina Kulmiye wuu tagayaaye, oo waxaad heli doontaan dawlad khayr qabta oo xaqiina iyo xuquuqdiina ilaalisa, oo si cadaalad ah idinku adeegta, shaqo abuurna idiin sameeysa.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews