berberatoday.com
Madaxweynihii Baddu Liqday : Waxa Qoray Cumar Seerbiya
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweyne-yaashu waxay maamulaan bulsho ama dad inay tahayba , iyaguna waxay ugu bedelaan maamulkiisa daryeel , u dhaga nuglaan iyo ixtiraamid , haddii la dhargaayo madaxweynahu sida aadmigu sameeyo waa ka ugu horeeya xataa haddii aanu isagu dooran cidda uu u dooran yahay ayaa u doorta , haddii la dhimanayana waa ka ugu dambeeya. Waa haddii la ogyahay waxa geerida sababayee .
Waxaanse anigu garanayaa madaxweyne dhimanaya oo kii ugu dhawaa uu ka orday markii uu bad-baado weydiistay, madaxwenuhu wuu qaylinayey waxa uu ku cel-celinayey i bad-baadiya waliba hebelaw i bad-baadi waan dhimanayaaye.
Madaxweynuhu sida u badan waxa uu ku fikiraa aragti ka duwan ta dadka shacabka ahi qabaan iyagu hala qaataan amaba yeyna la qaadanine , madaxweynahan la bad-baadin waayey , daqiiqado ka hor inta ayna geeridu soo weerarin waxa uu soo jeediyey aragti uu islahaa u gudbi shacabkiisa waana qofkii kaliya ee xaalada lagu jiray wax ka duwan ku fikiray waqtigaasi .
Aniga ayaa ka mid ah shacabka madaxweynahaasi dayacay ee bad-baadin waayey inay tahayba lamaan joogin balse hadaan xataa la joogi lahaa waxba uma qabteen , maaha inaan necebahay , necayb warkiisaba daaye waan jeclaa runtii oo waa sababta isaga oo dhintay aan wali uga sheekaynayo balse xaalada lagu jiray ayaan aniga iyo intii la joogtayba u suuro gelinaynin inay wax u qabtaan , qofka isku daya inuu wax u taro waa mid jeclaystay in aanu dunida isaga qof aan ahayni madaxweyne ugu sii noqonin sidaasina uu u raaca hooygii Aakhiro ee uu madaxwenuhu safarka u ahaa .
Nin murugasan ayaa aniga horta iiga sheekeeyey halka ay ku dambaysay xaalka madaxweynuhu , waana ninka kaliya ee uu in ka badan saddex boqol oo qof uu ka ag dhawaa uu ka dalbaday inuu ugu hiiliyo inuu dunida sii joogo , balse waan diiday ayuu igu yidhi , intaan sidii qof xabad ridaaya indhaha isku qabtay ayaan weydiiyey sababta, balse markii uu iiga sheekeeyey xaalka lagu jiray iyo meesha wehelka loo ahaa inuu u duceeyo uun ayaan hadalkii ku xigay ka dhigay .

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cadnaan Cadde anagana doorkiisa aanu gabnay ha naga dambi dhaafee waxa uu ku soo koray deegaanada Puntland sida Garoowe iyo Bosaaso Dubai iyo Kenyana mar wuu ku noola Muqdisho-na arag , waxa uu ahaa madaxweyne dhallinyaro ah , oo fikir nooli ku jiray waxa u ka damqan jiray madaxda Soomaalidu dhibta ay shacabkooda u gaystaan , iyo sida ay Soomaalida waqtigan dhibaatooyin badani uga dhex jiraan , waxa uu sameeyey fikrado uu ku soo bandhigaayo afkaarta qaldan iyo marin habaabin shacabka ay madaxdu kula dhaqmaan.
Cadnaan waxa uu qaab masraxeed farshaxanimo leh ku matali jiray siday madaxdu u hadlaan , siday xaqiiqooyin badan u qariyaan iyo nolosha qofka Soomaaliga ahi xaq u leeyahay inuu helo siday u kala durugsan yihiin waqtigan .
Cadnaan safar waxa uu galay Masar isaga oo sii maray Suudaan hamigiisu waa Norwey inuu gaadho balse inuu dhulkiisa ku soo laabto way u suntanayd sida uu u sheegay saaxiibo badan .
nin muddo lix bilood ku dhaw ay isku cag ahaayeen nololna a wadaageen ayaa fariimo ku saabsan halka uu Cadnaan ku dambeeyey isoo gudbiyey .
Cadnaan oo ahaa ugu badnaan 25 jir qiyaastayda waxa uu ka mid ahaa dad Soomaali u badan oo 6-dii April ku geeriyooy badda Masar.
Ninka xogta isoo gudbiyey oo ka mid ah dhallinyaradii ka badbaaday doonta qalibmatay ayaa waxa uu ii sheegay in uu Cadnaan ka mid ahaa dadkii isku dayey inay dabaashaan balse nasiib darro baddu qar-qisay .
“waxaan maqlaayey isaga oo leh I bad-baadi allena xusaaya , balse awoodayda iyo awooda inta kale ee badda la baaxaadagaysay toona may lahayn inay badbaadiyaan “ ayuu yidhi Cadnaan saxiibkii Cawaale oo hadda ku nool Giriiga .
Cadnaan waxa uu ku hamiyi jiray inuu mar uun noqdo Madaxweyne wax bedela .

 

Qalinkii Cumar Cali Xasan(Cumar Serbiya)

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews