berberatoday.com
Sheekh Aadan-Siiro Oo Sheegay In Dadku Ka Daaleen Doorasho Iyo Balan Been Ah –
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Aadan siiroHargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ee Wakhtigan ka socota Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu ka jawaabay Hadallo qaar ka mid ah Culimada Dalku ku sheegeen in Diiniyan Diwaangelintu khalad tahay.

 

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo dhammaantood khuseeya Somaliland, doorashooyinka iyo sida Diinta Islaamku u Ogoshahay In Muslimiintu doortaan Hoggaamiye, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya sababaha keenaya in Dadka Gobolka Maroodi-jeex ka caga-jiidaan Diwaangelinta socota, waxa uu yidhi, “Nidaamka Dadku u dooranayaan Amiirka u talinaya waxa keenay Islaamka oo ay Taariikhdiisa ku sugan tahay, Rasuulkuna (CSW) wuxuu yidhi idinkaa yaqaana qaabka aad wax u dooraneysaan, laakiin Shardigu waxa weeyaan in Toban shardi laga heli Ninkaa Muslimiinta u Talinaya ee (la dooranayo), tobankaa marka tago, idiinkaa sidaad u dooraneysaan u cilmi leh, Xadiiskaas ayaa la qaadanayaa. Markaa, Ma jirto Cid diideysa Diwaangelinta, Kitaab Alle Kitaab ay ku taallo (Oo diidayaa Diwaangelintu ma jiro), Annaga ha noo keeno ka haya Kitaab diidaya Diwaangelinta. Ma jiro Shay loo diiday Ruuxa Muslimka ah oo Caddeyntiisu aanay Kitaabka ku oolin.”

Sheekhu waxa uu sheegay, in inkasta oo la ogol yahay Diwaangelinta iyo Hababka kale ee Dadku u dooranayaan Amiirkooda ama Cidda u talineysa, haddana loo baahan yahay in Maxsuulka iyo waxa laga dheefayo Doorashadu ku salaysnaato Caddaalad, si Dadka ka qayb-qaadanayaan ugu Kalsoodaan Diwaangelinta ama Codeynta Doorashada ay ka qayb-gelayaan, “Dareenka Qofka Bani-aadamka ahi inuu kalsooni bixiyo ama waxaa jira uu ku kalsoonaadaa waxa keenaya in Meeshaa Caddaalad ka jirto, taasina waata keenaysa in Qofku uu Kalsooni badan siiyo dhaqdhaqaaq walba, Koox ha qabato, Qof keliya ha qabto ama Hoggaanka wakhtigaa jiraa ha qabtee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sababeeyay waxa Gun-dhigga u ah in Dadweynuhu ka Caga-jiidaan Diwaangelinta iyo Doorashooyinka Dalka ka dhacaya, “Kuwa Dadka Hoggaaminaya ee jooga iyo kuwa soo socdaba waanu u sheegaynaa, Dadku way ka daaleen Doorasho, beentiina way ka daaleen, Waayo? Midba midka ka horeeya ayuu ka liitaa (Madaxda la doorto).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu sheegay inay khalad tahay in Dadka lagula yaabo inay Diwaangelinta ka Caga-jiidaan, waxaanu yidhi, “Dadka hala yaabina (Hadday is-diwaangelin waayaan). Goleyaashii Deegaanka ayaa ugu dambeeyay, oo waxaanu is leenahay yaa soo celiya Odayaashii Khibradda lahaa ee meesha joogi jiray. Markaa Dadku maaha Shugux-Shugux hadba dhinac loo tuurayo, Dadku way qanceen, waxay arkeen waxani (Doorashadu) wax alaale iyo wax ay ku salaysan tahay in aanay jirin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Dadweynaha ku dhiiri-geliyey inay Is-Diwaangeliyaan, “Haddana waxaanu Dadka ku dhiiri-gelinaynaa inay is-diwaangeliyaan, waxaanu leenahay waar Hala is-diwaangeliyo, Sababtoo ah waxaynu Maanta ka hadlaynaa Labada Shar keebaa inoo fudud oo aynu dooranaynaa?. Halkaa ku murma oo kiina Beenta badan hadduu doono haba buuxsadee Meesha ha iska sii heysto inta ILAAHAY keenayo Dadkii kheyrka badnaa, si aynaan isku dilin, Sababtoo ah, ta aynu Maanta wadnaa waa ka Maarmi waa’, markaa Dadka waxaanu leenahyay Hala is-diwaangeliyo oo Doorashooyinka hala qayb-qaato, si aan Rabash iyo Mushkilad inoogu imanin.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu Farriin y diray Xisbiyada Qaranka oo uu u soo jeediyay inay soo Sharraxaan Dad Wanaagsan oo amaano leh, maaddaama oo kuwii horeba laga qoomameynayo, “Kuwaa Xisbiyada sheeganaya waxaanu leenahay waar Dadka waxaad u soo qadintaan (u Soo Sharraxdaan) Dadka Wanaagsan.

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu ka hadlay Wakhtiga Komiishanku u qoondeeyay inay Gobolka Maroodi-jeex ka socoto Diwaangelintu, isagoo u soo jeediyay in Wakhtiga la kordhiyo, waxaanu yidhi, “Maaddaama oo Gobolka Maroodi-jeex la yidhi waxa ku nool. 1.3 Milyan lama mid noqonayo Gobollada Kale ee ay dhowrka boqol ee kun ku noolaayaane, sidaa daraadeed baaqa aanu u jeedinayno Komiishanka iyo kuwa Taladu ka go’do waxa weeyaan haddaad doonaysaan Diwaangelin rasmiya oo Caddaalad ah oo Gobolkan ka dhacda Wakhtigani kuma filna (14-ka Maalmood) ee wakhti Macquul ah (Haloo kordhiyo), Dad Amaanada leh ee Firfircoonna ha laga shaqaaleysiiyo.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay in Somalilandta la doonayaa tahay mid lagu hoggaaminayo Kitaabka Alle Iyo Tawxiidka Alle, laakiin taasi aanay ku imanayn Seel-la-boodnimo iyo deg-deg, “Masaajidkan aan Joogo waxa lagaga Qanacsan yahay in Somaliland noqoto Dal jira oo jooga, laakiin lagu hoggaamiyo Kalmadda Tawxiidka oo aan la kala lahayn. Somaliland inay jirto oo Tawxiidka loogu Hoggaamiyo si Caqli iyo Xikmadi ku jirto, laakiin aan ahayn Seef-la-boodnimo, Waayo? Somaliland inay jirto oo Tawxiidka lagu Hoggaamiyo Marxalado ayay qaadaneysaa.”

Gabogabadii, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in Xorriyaddooda loo soo celiyo Suldaan Mowliid Cali Sabbeyso, Suldaan Ibraahim Sulub, Caaqil Cabdiraxmaan iyo Dadka kale oo dhawaan loo xidhay Shaqaaqo ka dhacday Waqooyiga Hargeysa isla-markaana Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku ridday xukun dhan Min Saddex Sannadood oo xadhig ah.

Waxa kale oo uu Sheekhu uu khudbaddiisii Shalay ku soo qaaday Nin Scotish oo dhawaan Falal dhaqan-xumo ka geystay Hargeysa, waxaanu sheegay in Ninkaasi ay tallaabo ka qaadeen isaga iyo Hay’adduu la shaqeynayeyba Laamaha Ammaanka Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews