berberatoday.com
Cabsida Laga Qabo Showga Bk Ee Habeen Dambe Iyo Xubno Al-shabaab Oo Ciidammadu Qabteen »
May 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa hawlgallo ay habeennadii u dambeeyay ka sammeeyay magaalada Hargeysa waxay ku soo qabqabteen Xubno ka tirsan Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab, kuwaasoo damacsanaa inay waxyeello ka geystaan Munaasibadaha loogu dabaaldegayo Xuska 25 Guurada ka soo wareegtay Madaxbannaanida Somaliland ee 18 MAY.

Afhayeenka Ciidammada Booliska Somaliland Faysal Xiis iyo Taliyayaasha Booliska oo shalay shir jaraa’id  qabtay magaalada Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Xubno Al-shabaab ka tirsan oo maleegayay shirqoolo ay ku wiiqayaan dabaal-degga Madaxbannaanida Somaliland.

Sidoo kale, waxay saraakiisha ammaanka Boolisku sheegeen inay ku daba jiraan xubno kale, islamarkaana ay ka go’antahay ciidammadu inay gacanta ku soo dhigaan.

dhanka kale, Fannaanka Maxamed Siciid Cabdi (Bk), ayaa habeen dambe ku qabanaya Hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa Show uu ku soo beegay maalinta qaran Dabaal-degga 18 May, taasoo ay dad badani ka cabsi qabaan in showgaas uu ka mid yahay Goobaha ay diiraddu saarantahay ee  Kooxda Al-shabaab u qorshaysan.

Xukuumadda Somaliland waxaa la gudboon, iyadoo ilaalinaysa ammaanka shacabka in ay il gaara ku hayso showgaas, haddii aanay baajin karin ay geyso ciidammo xoog leh oo ammaanka shacabka sugi kara, haddii kale arrinkeenu wuxuu noqon doonaa “Qaraxii Shaamow”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews