berberatoday.com
IOM Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saartay Carwo Lagu Soo Bandhigayo Sawirro Dhaawacaya Sumcadda Somaliland
May 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ku leedahay Somaliland, ayaa lagu beeniyey Warar sheegaya inay jiraan Kaamam ama Xeryo loogu Talo-galay Dadka Muhaajiriinta ah oo ku yaalla Somaliland.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran baa u qornaa sidan, “Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) waxay la socodsdiinaysaa Shacabka Somaliland in aanay waxba ka jirin hadallada la isla dhex maraayo ee ku saabsan ka qayb-qaadashada IOM ee la xidhiidha carwada soo-bandhiga sawirada ee ka dhacaysa Torino, Talyaaniga. Sawiradani waxaa ay tusayaan kaamam qaxooti oon run ahayn oo ka jira Somaliland kuwaas oo loogu tala galay dadka muhaajiriinta.

Mr. Gerard Waite, Madaxa IOM ee xafiiskiisu yahay Nairobi, wuxuu yidhi: “fadlan waxaad ogaataan in Marwo Suaad Omar Sheikh Isaxaaq, gabadha qabanqaabisay carwada sawirrada lagu soo bandhigay, iyadu ay iskeed u soo diyaarsatay iyadoo ah sawirqaade madax banaan. Marka ay sidan u soo bandhigtayna, waxaa ay samaysay hawshan iyadoon ogolaansho ka haysan IOM.

Sidaa darteed sharaxaad kasta iyo xayaysiin kasta oo ay ka bixisay sawirradani ma aha kuwo sinaba u matelaya hay’ada IOM. Hay’adda IOM masuuliyaddeedu waxaa weeye in ay ka taageerto dawlada Somaliland iyo dadkeeda waxyaabaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin dhinaca socdaalka iyo isku-socodka. Hay’adda IOM marna iskumay dayin, iskuna dayi mayso hawlo ay ku dhaawacayso sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladda Somaliland.”

IOM-Logo

Md. Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-u-dejinta, Dib-u-habayta iyo Dib-u-dhiska ee Somaliland oo ka hadlaya hay’ada IOM wuxuu yidhi “Ilaa 2006, IOM waxay si dhaw ula shaqaysay Dawaladda Somaliland si ay u fududayso culayska ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee qulqulaya iyadoo wacyigalin u samaysa; iyadoo fursado shaqo-abuur ah u samaysa meelaha dadku ka imanaayaan iyo halka ay sii dhexmaraayaanba; iyadoo xoojinaysa isla markaana tayaynaysa maaraynta iyo maamulka socdaalka dhinaca xadadka; iyadoo kor u qaadaysa tayada iyo xirfadaha hay’adaha waddaniga ah, iyadoo ku xoojinaysa xirfadlayda qurbajoogga ah si ay u tabobaraan shaqaalaha hay’adahaas; iyadoo u fidinaysa caawimo toos ah muhaajiriinta tabarta daran. Hay’adda IOM waxay ficil ku tustay inay wanaag u rajaynayso dadka reer Somaliland, waananu ku kalsoontahay in wada-shaqaynta iyo xidhiidhku ahaado mid sii socda.”ayaa lagu soo Gunaanaday War-saxaafadeedkaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews