berberatoday.com
Madaxtooyada Ma Markii Dambay La Qadhaadhatay Sowtii Geeljire Iyo Ramaaxba Fariimaha Dubay Uga Soo Diraysay
May 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqata inay siyaasiga ka tirsan xisbiga Kulmiyee ee Cabdillaahi Geeljire kaga baxday  hadalkii uu sida ba’an ugu dhaliilay qaabkii iyo protocol-kii ay dawladda Jibuuti ku qaabishay madaxweynaha Somaliland Axmad Siiraanyo markii uu ka qaybgalayey xaflad lagu caleemo saarayey madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geele taasoo todobaadkii hore lagu qabtay dalkaasi.Mr Geeljire ayaa la aaminsanyahay inuu ogolaanshe ( green light) ka haystay madaxtooyada markii uu dhaliisha iyo cambaareynta huwinayey dawladda Jibuuti waayo ,marka wax kaleba la iska daayo, hadii aanay taasi jirteen suurtagal may noqoteen inuu hadalkiisaasi ka jeediyo madaxtooyada Somaliland dhexdeeda iyadoo waliba uu barbar taaganyahay wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynuhu.

 

Hasayeeshee wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mar uu shalay warbaahinta la hadlayey sheegay in xukuumadda Somaliland aanay marnaba ka cabanin markii protocol-ka Jabuuti uu xafladii caleemo-saarka madaxweynaha Somaliland dhex fadhiisiyey goob loo qariray madaxda dawlad goboleedyada Somalia taasoo ay shacbiga reer Somaliland aad uga cadhoodeen markii ay shaashadaha ka daawadeen madaxweynahoodii doorashada ku yimid oo lagala mid dhigay qabqableyaasha madaxda ka ah maamul goboladyada Somalia.Mr Xaashi waxa kale oo uu hadalkii Geeljire ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana gef ku ah xidiidka u dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo  Jibuuti. Maxamuud Xaashi ayaa ka mid ahaa wafdigii mafaxweyne Siiraanyo ee shalay ka soo laabtay magaalada Dubay halkaasoo ay dawladda Somaliland iyo shirkadda Dubai Ports World ku kala saxeexdeen heshiis maalgashi oo ay shirkaddaasi kula wareegayso gacan-ku-haynta dekadda Berbera.

Hadalka Maxamuud Xashii uu xukuumaddiisa kaga fogeynayey dhaliilihii uu Geeljire la tiigsaday dawladda Jibuuti ayaa hadaba waxa ka sii horeeyey Cabdulkariim Xinif oo isagu war saxaafadeed uu ku saxeexanyahay  kasoo saaray Hargeysa intii uu wafdiga madaxweynuhu ku maqnaa Dubay iyadoo uu Xinif si culus u weerary Cabdillaahi Geeljire isla markaana uu ku eedeeyey in aanu xukuumadda iyo Kulmiyeba midkoodna daacad u aheyn balse uu Wadani hoosta kala socdo.Waxa kale oo isna xalay dhacdadii habmaamuuski madaxweyne Siiraanyo ee xafladdi caleemo-saarka Jibuuti ka hadaly Boqor Buurmadow kaasoo sheegay in dawladda Jibuuti intii karaankeeda aheyd ay si fiican oo ay tahay in loo qushuuco u qaabishay madaxweyne Siiraanyo. Buurmadaw ooo lagu tiriyo dadka ku dhaw dhaw madaxtooyada Somaliland ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu ka xumaaday hadalo lagu aflagaadeeyey madaxda Jibuuti oo rag masuuliin ah afkooda ka soo baxay.Inkastoo aanu Buurmadaw  cid magac dhabin hadana waxay aheyd iska mafhuum cidda uu  dhaleecaynta dusha ka saarayey kuwaasoo ahaa Geeljire iyo Badhisaabka gobolka Awdal Ramaax oo isaguna sadex cisho ka hor Jibuiti xoog ugu dhaliilay qaabkii ay ula macaamishay madaxweynaha Somaliland xafladii caleemo-saark.

Madaxtooyada Somaliland waliba gaar ahaan wasiir Xaashi oo loo yaqaano nin aan wacad laheyn ayaa siday dad badan oo xogogaal ahi aamisanyihiin raali ka aheyd kana wada socdeen Cabdillaahi Geeljire hadalkii dheeraa ee tafatirnaa ee uu  ku dhaliilay dawladda Jibuuti.

Marka arintan la lafaguro waxa kuu soo baxaysa in madaxtooyada Somaliland sadex nin oo beesha madaxweymaha ka wada tirsan u adeegsatay inay uga markhaati furaan in aanay haba yaraatee lug ku laheyn dhaliilihii iyo hujuumkii ku aadanaa Jibuuti ee loo tirinayey labada nin ee Geeljire oyo Ramaax oo iyaguna isku beel kale ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews