berberatoday.com
Mulkiilaha Kaalinta Shidaalka Bootan Burco Si Adag Uga Hadashay Awood Sheegasho Uu Kula Kacay Maareyaha Wakalada
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Mulkiilaha Kaalinta Shidaalka Bootan Burco Marwo Siraad Nuux Cawaale oo maanta u waramaysay saxafadda ayaa ka hadashay awood Sheegasho uu maareyaha cusub ee wakaladda biyaha burco kula kacay ganacsatadani

MULKIILE

Mulkiilaha Kaalintani Bootan Oo ka hadlay Arrimahani ayaa waxa ka mid ahaa hadalededii sida tan

 

” Aniga oo  ka mid ah Ganacsatada Gobalka Togdheer gaar ahaana ah mulkiilaha kaalinta Shidaalka Bootan Burco Waxa dhacday in Sanadkii Hore 2015 ay Afar ka mid ah Kaalmaha Shidaalka Burco ay tartan u galeen Shidaalka ay wakalada biyuhu isticmaasho,Waxa Tartankaasi ku Gulaysatay kaalintayda Bootan Fuell Station ilaa wakhtigaas wakalada anigaa shidaalka siin jiray,Waxaanan Wakaladda Biyaha ku Yeeshay Dayn Lacageed oo dhan 22,667

Dollar $,aniga oo waxaas oo lacag dayn ah ku leh wakalada ayaa waxa dhacday in hadana maareyaha Cusub Wakaladu Yidhi Hadana Kaalmaha Shidalka Burco Tartan how galaan Shidalka ay wakaladu isticmasho Waxa dhacday in tartankii la qabtay hadana mar Labaad waxay kaalintayda Bootan si rasmiya ugu Gulaysatay Tartankaasi,Waxa dhacday markii uu tartankii dhacay ee aan gulaystay inuu maareyihii wakalada biyuhu kaalintayda bootan ka hor istagay tartankii ay ku gulaysatay iina awood sheegtay sifo sharci darro ahna iiga qaaday shidalkii aan ku gulaystay,Maareyaha wakalada biyuhu burco tartankii aan ku gulaystay wuxuu siiyay Kaalin shidaal oo kale oo la dhaho Dalmar Waasac,Maareyuhu wuxuu si cad u shegay in cida uu doono uu siinayo shidalka ay wakaladu isticmasho,Lacagtii Daynta ahayd ee aan ku lahaa wakaladda Wali layma siinin sidiina ayay iiga maqan tahayna,maareyaha wakaladu ilaa imika wuxuu iga qancin kari la yahay tartankii aan ku gulaystay sida uu u siiyay kaalin kale,intaasi ka dib waxaan cabasho u geeyay maamulka gobalka togdheer ilaa imikana maamulka gobalku wax jawaab cad ah kama hayo”

 

Ugu Danbayntii Talabada Noocani oo kale ah ayaa ku soo beegmaysa wakhti mudoyinkii u danbeyayba ay magalada burco ku soo noqnoqayeen cabashoyin ka dhan ah Maareyaha wakalada biyaha Burco

 

 

Xigasho Hadhwanaagnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews