berberatoday.com
Ka Faa’iideyso Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Q.3aad
June 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadliga Soonka ama Bisha Ramadaan waxa ka mid ah in aanu jirin camal loo dhigi karaa uuna ka mid yahay Cammalada Janada lagu galo, sidaa waxa inoo sheegay Rasuulkeena  wuxuu ku yidhi Saxaabiga Abuu Umaama Albahili :

Abuu Umama wuxu Rasuulka  weydiiyey camalka ugu mudan, markaasuu ku yidhi: “waxaan kugu ogahay Soonka, wax loo dhigaa majiro”.

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. In Soonku yahay Camalada Jannada lagu galo.

 

  1. In Soonka wax loo dhigi karaa aanay jirin.

 

  1. In Rasuulku uu dardaarmay Soonka saxaabadiisa qaar ka mid ah.

 

Albaabka Rayaan oo gaar u ah

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah inuu Jannada ku yaalo Albaab la yidhaahdoRayaan oo dadka soomaa ka galaan. Waxa sidaa inoo

sheegay Rasuulka wuxu yidhi: “Jannada waxa ku yaal Albaab la yidhaahdo Rayaan (Cokane) waxa ka gala dadka sooma Maalinta qiyaamaha, cid aan iyaga ahayni kama gasho, waxa la odhanyaa: meeye kuwii soomi jirey!, markaasay istaagayaan, marka ay galaan waa la xidhayaa cid danbena kama gelayso!”. Bukhaari &Muslim

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. In Janadu leedahay Albaabo kala duwan oo magacyo leh.

 

  1. In Albaabka Rayaan oo macnahiisu yahay Cokane ay ka gelayaan dadkii soomi jirey.
  1. Dadka Xadiiskani u jeedaa waa kuwa Soonka sunnada ah la                     iman jirey, waayo Muslimiinta oo dhami way soomaan faralka.
  2. In si gaar ah loo maamuusayo dadkii Soonka la iman jirey.

 

  1. In Soonka sababtiisa Janada lagu galo.

 

Malaa’igta Oo Khayrka Ku Baaqda

 

Fadliga Soonka iyo Bisha Ramadan waxa ka mid ah in bishu marka ay bilaabanto xaga Illaahay laga dhawaaqo iyadoo khayrka laysku dhiiri gelinayo sharkana la isaga digayo Bishan Soon gudaheeda, sidaa

waxa inoo tilmammay Rasuulka  wuxu yidhi:

 

Habeenka u horreeya ee Bisha Ramadaan waa la dhawaaqaa: kii khayrka doonayoow soo dhowoow, kii sharka doonayoow ka joog,

Illaahay cid buu Naarta ka xoreeyaa, Habeen kasta waa sidaas“.

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. In Habeenka u horreeya ee Soonka malag dhawaaqo, Dadka khayrka ugu yeedhaya, sharkana uga digaya.
  2. Ciddii khayrka doonaysa si gaara ayuu ugu dhiiri gelinayaa inuu khayr fallo.

 

  1. Ciddii shar doonaysana si gaar ah ayuu ugu digayaa inuu ka joogo waayo bishu waa bil khayr.
  2. In Illaahay khayrka jecel yahay kuna dhiiri geliyo ciddii samaysa, sharkana neceb yahay ciddii samaysana uga digo inta aan lagu abaal marin ka hor.

 

  1. In IllaahayDad Naari u waajibi lahayd u naxariisto oo waafajiyo inay khayr sameeyaan sidaana Jannada ku helaan.

Cumrada Bisha Soon oo u dhignta Xajj

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah in Cumrada la sameeyo Bisha

Ramadaan ay u dhiganto Xaj, sidaana waxa inoo sheegay Rasuulka

wuxu yidhi:

 

Cumrada BishaRamadaan waxay u dhigantaa Xaj, ama Xaj Nebiga  lala xajey“.

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. Cumrada Bisha Ramadaan iyo qiimaheeda.
  2. Dhiiri gelin in Bisha Ramadaan la cumraysto.

 

  1. In waqtiyada qaarkood Cibaadadu qiima badan tahay.

 

  1. In laga faa’iidaysto Mawsimyada khayrka.
  2. In Khayr kooban oo aad samayso ku gaadhi kartid Fadli badan

 

Baryada oo La Ajiibo

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah in Illaahay aanu celin Baryada Qofka

 

sooman sidaa waxa inoo sheegay Rasuulka  wuxu yidhi:

Saddex ducadooda lama celiyo: Baryada Waalidku u duceeyo ilmahiisa, Baryada Qofka sooman, Baryada Qofka musaafirka ah“.

 

Faa’iidada Xadiiska:.

 

  1. In la aqbalo Baryada Qofka sooman.

 

  1. In la aqbalo Ducada waalidku ilmahiisa u duceeyo.

 

  1. In la aqbalo Baryada Qofka musaafirka ah.

 

  1. In Ducada lagu dadaalo xilliga Qofku sooman yahay.

 

  1. In ay jiraan Camalo Qofka ku guda jira Illaahay Ducada ka aqbalo.

 

  1. In Soonka iyo safarku ka mid yihiin asbaababaha Ducada lagu aqbalo.

Soonka & Jihaadku Naarta ayey kaa fogeeyaan

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah in Qofkii isagoo jihaadka alle ku jira Soona ku dara in Illaahay kaga dheereeyo Naarta, sidaa waxa inoo

sheegay Rasuulka  wuxu yidhi:

 

Qofka Maalin jidka Illaahay ku sooma , Illaahay wuxu kaga dheereeyaa wejigiisa Naarta toddobaatan Sano“.

 

Faa’iidada Xadiiska

  1. Fadliga uu leeyahay Soonka jidka Illaahay iyo jihaadkiisa oolagu dhex soomo.
  2. In Illaahay Naarta kaga dheereeyo Toddobaatan sano in loo socdo Qofka isku dara Soon iyo jihaad xaq ah.
  3. In addoomaha Illaahay qaarkood aanay Naartu u soo dhaafayn

toddobaatan Sano masaafo loo socdo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews