berberatoday.com
“Jabuuti Baan Tagay,Waa Magaalo Iska Yar Oo Dad Masaakiin Ahi Ku Nool Yihiin,Marka La Gaadho Bacda Duhur Wax Socda Magaalada Ma Arkaysid, Madaxweynaha illaa Ka Uhooseeya Waxay Ufadhiistaan Qayilaad.”Xubin Katirsan Baarlamaanka Kenya
June 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaan Tagay Jabuuti Oo Madaxweynaha, Marwooyinka Ilaa Ka U Hooseeyaa Qayilaan” Aadan Bare Ducaale Hoggaamiyeyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya.

Gaarisa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Soomaalida ah ee laga soo doorto Gobolka Waqooyi-bari Kenya, ayaa ka warramay Waxyaabo layaab leh oo uu ku arkay Dalka Jabuuti oo uu Safar ku tagay Caleemo-saarkii Afraad ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar.

Warka JabuutiAadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay inuu Arrin uu la yaabay ku arkay Magaalada Jabuuti, taasi oo ah in inta badan Dadka ku nool Magaaladaasi oo uu ku jiro Madaxweynuhu Cunaan Qaadka.

Xildhibaanka oo khudbad u jeedinayey Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Gaarisa, ayaa yidhi, “Jabuuti baan tagay, waa Magaalo iska yar oo Dad Masaakiin ahi (ku nool yihiin). Marka la gaadho Bacda Duhur wax Socda Magaalada ma arkaysid, Madaxweynaha illaa ka u hooseeya waxay u fadhiistaan Qayilaad.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waa la igu soo dhaweeyay oo waxa la igu yidhi Haddaad Qayileyso Adiguna halkaa ku Qayil (oo Fadhiiso), Marwadaaduna halkaa kale haku Qayisho.” Ayuu yidhi, “Laakiin waxaan ku idhi Ma Qayilo, Marwadiina ilama socoti.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Aadan Barre, waxa kale oo uu sheegay inuu yimid Somaliland isla-markaana tagay meelo kale oo Soomaali ku nooshahay, sidaa daraadeed aanu arag meel lagu haysto Wanaag la mid ah ka ay haystaan Soomaalida Gaarisa, “Waxaan tagay Somaliland iyo meelo kale oo Soomaalidu ku nooshahay, laakiin Wanaagga iyo Diinta Gaarisa lagu haysto meelaha kale laguma arko, Waayo? Magaalada Gaarisa waxa loo yaqaannaa inay tahay Magaalo Islaamiya oo Diintu xoog ku leedahay oo Xijaabku muuqdo.” Ayuu yidhi.

 

 

 

 

Xigasho Wargeyska Himillomadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews