berberatoday.com
“ Qurabjoogta Gobolka Sool Waxaan Leenahay Dhaqaalaha Aad ku Bixinaysaan Dhiiga Daadanaya Ku Bedela Nolosha Bulshada Iyo Ka Shaqaynta Nabada Dalkiina “Siyaasi Jabarji Xasan Saadle.
June 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Maxamed Jabarji xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka sool ee Somaliland Ayaa ka hadlay Dagaalka ka soconaya deegaanka dharkayngeenyo ee Gobolka Sool Waxaana uu baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha eek u dagaalamaya Deegaamadaasi

3412_1174733202544474_3010846110867185967_n1923655_1174728525878275_4302342809137509404_n

Siyaasigan oo La hadlayay Shabakada wararka ee Laascaanood Waxaa uu Ka xog Waramay Dagaalka ka socoda deegaamada gobolka Sool,Waqabadka xukuumada ee Gurmadka Dagaalkaasi,iyo Baaq uu sidoo Kale u Diray Xubno Qurbajoog ah oo uu ku sheegay inay Hurinayaan Colaada deegaanka Dharkayngeenyo,isagoo ugu baaqay iyagana inay colaada ay hurinayaan iyo Dhaqaalaha ay ku Bixinayaan In Dagaalkaasi Sii Socdo isla markaana ay ugu bedelaan Wax faaiido u Ah Bulshada oo Noloshooda kor u qaada

 

Sidoo Kale waxaa uu Siyaasigan Dada yari u mahadnaqay Xukuumada Somaliland oo uu sheegay inay Tahay Dawladii nabada isla Markaana wuxuu Farta ku Fiiqay inuu ku Faraxsan yahay sida ay ugu Gurmanayso dadkaasi Waxma Garatada ah ee Dhibaatada Dagaal ku dhex MArayso Deegaamada Gobolka Sool,Gaar ahaana Wuxuu Xusay Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada,Arimaha Gudaha,Warfaafinta iyo Dib U Dejinta oo ku Sheegay inay u Guntadeen Daminta Dabkaasi ka Huraya Bariga Gobolada dalka

 

Maxamed Jabarji xasan ayaa isagoo Arimahaasi Ka hadlaya Ayaa Waxaa uu Yidhi Sidatan “ Waxaan baaq Nabadeed u dirayaa dadka iyo beelaha walaalaha ah ee soomaliland ee ku dagaalamaya deegaamada Dharkayn geenyo ee Gobolka sool,waxaan leeyahay Walaalayaal Dagaal Wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta,waxaad tihiin dad ehel ah,dad isu seedi ah,dad isu sodog ah iyo dad ilmaadeer ah,Joojiya Xabada oo Nabada usoo Noqdo,Maxaa yeelay dagaalkaasi ila hada waxaa ku naf waayay ku dhowaad 50 qof ,waxaanan idin leeyahay Faaiido Taasi Maaha,Waa Khasaare Weyn Waxaa lagu Jiraa Bishii Barakada badnayd ee Ramadaan,Cibaadadii inaad ku Doorsataan Dagaal iyo Xabad iyo dhiig data Maaha Wanaag,Walaalayaal Waxaan idin leeyahay Dagaalkaasi Mudada soo noqnoqanayay ee istaagi Waayay Iska Joojiya,Ilaahay Ka BAqa hadii Aydaan Idinku Kala Baqayn” .

 

Dhanka kale Waxaa Siyaasigani ka Hadlay Qurbajoogta Gobolada Sool,Sanaag iyo Togdheer oo uu u soo Jeediyay Isla Markaana ugu Baaqay Inay inay Ka shaqeeyaan nabada iyo Nolosha Bulshada Dadka ku wada nool deegaamadaasi isla markaana Ay ku Bedelaan Hurinta Colaada dadka Walaalaha ah inay wax kale Rasaasta ugu Bedelaan waxaana uu yidhi Isagoo Arimahaasi Ka Hadlaya Sidan “Waxaan sidoo Kale Baaq cod dheer ah u dirayaa Qoladan Qurbajoogta deegaamada Sool,Sanaag iyo Togdheer oo aan leeyahay Waxaa haboon oo Runtu Tahay inaydaan Dani idiinku Jirin if iyo Aakhiroba Bishaas ramadaan ee Aad dhaqaalaha ku bixinaysaan dad is dilaya iyo isku Hubaynta Bulsho Walaalo ah oo Ood Wadaag Ah,Halka aad idinku Qurbaha ka Joogtaan isla Markaana aad ku Naaloonaysaan Nabadgelyo taam Ah,Caqligiinu Ma Waxaa uu Idin Siiyay Inaad idinkuna Nabad Heshaan Dadkiiniina aad ku faraxdaan Dhiigooda daadanaya iyo Dhimashada Walaalihiin,Waar ugu Bedela Waxtar kale oo u dhaama Rasaasta,Waar Cudurka xabada caafimaad ugu Bedela Ayaanu Idin Leenahay Hadii Aad ina damiir Leedihiin Wabilaahi Tawfiiq”

 

Si kastaba Ahaatee Jabarji Xasan Saadle ayaa ka Mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Kasoo Jeeda Gobolka Sool Kuwooda ugu Firfircoon Waxaana uu inta Badan ka shaqeeyaa isku soo dhoweynta Dadka Walaalaha Ah ee Deegaamada Bariga dalka,Isagoo inta Badana isku Xilqaama Daminta Xaalado Nabadgelyo inta Karaankiisa Ah

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews