berberatoday.com
Madaarka Berbera iyo Haamahii shiidaalka oo lagu wareejinaayo dalka Imaaraadka iyo waftiyo dalka yimid oo ka socda
September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Berbera,(Berberatoday.com)- Waxa dalka soo gaadhay mudo bil gudahahood ah wafti balaadhan oo ka socda wasaarada gaashaandhiga ee dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan qaybta difaaca cirka oo ay wehelinayaan saraakiil iyo khubaro sar sare oo dalkaasi ka mid ah oo ku takhasuusay arimaha malatariga iyo difaaca cirka.

Kooxdani ama waftigani waxa ay toodobaadkani oo ahayd markii labaad ee ay dalka yimaadaan ay ka soo dageen madaarka magaalada Berbera iyga oo wata diyaarad khaas ah, waxna ay qimayn iyo cabiraad ku sameeyeen madaarka magaalada Berbera oo xukumadda Siilaanyo ka kiraynayso, waxna ay wararku sheegayaan in labada dhinac ay gaadheen heshiis hordhac ah oo madaarkaasi ay la wareegi doonto gacan ku hayntiisa dawlada Imaaraadku oo ay ka dhigan doonto saldhig malatari oo xaga cirka ah oo ay ka ilaalin doonta arimaha danteeda ee xaga bada gaar ahaan Baabul Mandab.

Lama sheegin ilaa hada qiimaha uu jaray madarka magaalada Berbera oo ah mid ku yaala bogacad mihiim ah oo ay caalmka oo dhami isha ku hayaan gaar ahaan wadamada reer galbeedka iyo dalal kaleba, hore ayaa dekada Berbera loogu wareejiyay gacan ku haynteeda shirkada DPWorld oo laga leeyahay dalka Imaaraadka, waxna iyana jirta oo Haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera lagu wareejinayaa shirkada badroolka ee Imaaraadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ENOC, (Emirates National Oil Co) Arimahani madaarka iyo haamaha shiidaalka ayaa si dhakhso ah u dhacaaya oo shirkadahaasi loogu wareejinayaa.

Xukumadda Siilaanyo ayaa ah xukumaddii ugu musuqa badnayd ee soo marta Somaliland, waxna laga cabsi qabaa in lacagayowga laga qaadi doono shirkadahaasi iyo dawlada Imaaraadka ay ku dhici doonto gacan qaldan iyayda oo uu arimahani oo dhan budh tuur u yahay wiilka qaba madaxweynaha inantiisa Bashe Omar (Morgan)- oo ah shaqsi ku si foobay musuq maasuq iyo cabudhinta saxaafada oo hore weeraro u gaystay suxufiyiin iyo saxaafad uu alabaabada u laabay sida wargayskii Haatuf iyo Hargeysa Star iyo wariyayaal la garaacay iyo kuwo la is yidhi wanjala oo dalka dibadiisa ku nool oo uu ku fashilmay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews