berberatoday.com
Wardegdega:- Madaxweyne siilaanyo oo kulan ku qaabiley dalada SSE iyo Nuxurka wada hadalkooda….(Daawo Sawiro)
September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

 

 

DAAWO SAWIRRADA+AKHRI: War-saxaafadeed Laga Soo Saaray Kulanka Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo uu weheliyo Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Adan Cige (Deyr) ayaa 20.9.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dallada Guud ee kulmisa Jaaliyadaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan Qaaradda Yurub. Xubnaha weftiga waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallada SSE mudane Cabdiraxman Yasiin, Eng. Maxamed-Jibriil Balayax, Dr. Xuseen Cabdillaahi-Tanzani, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Axmed M. Ducaale. Xubnaha ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha si mug leh ugu bogaadiyeen wax-qabadka muuqda iyo horumarka aan la qarin karin ee ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay gaadhsiisay dalka JSL.

Suxufi Maxamed Baashe X. Xasan oo ku hadlayey afka Dallada SSE ayaa si qoto dheer oo far-shaxannimo leh uga warramay noocyada horumar ee kala duwan ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo dalka ka hirgelisay muddadaa uu hayey hoggaanka iyo talada dalka. Mudane M. Baashe horumarka uu soo qaatay ee Xukuumaddan ku suntan waxa ka mid ahaa:

????????????????????????????????????

  1. Kordhinta Mushaharka Shaqaalaha Dawladda (100%),
  2. Kobcinta Miisaaniyadda Qaranka (Lix-Jeer laab),
  3. Bixinta Darajada Ciidamada Qaranka,
  4. Hirgelinta Waxbarashada Bilaashka ah,
  5. Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka,
  6. Samaynta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
  7. Dhismaha iyo dayac-tirka Xarumaha Haya’adaha Qaranka,
  8. Lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga,
  9. Dhiirri-gelinta Maal-gashiga iyo Aaminaada Beesha Caalamka (sida, SBI iyo DP World),
  10. Suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda,
  11. Dhallinyarada siisay fursadaha ay kaga qaybgaleen maamulka dalka,
  12. Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha ka socday Dallada SSE ee booqashada ugu yimid uu uga mahad naqay dedaalka ay ugu jiraan sidii uu dalkeenu uga mid noqon lahaa beesha caalamka, sidoo kale wuxuu uga mahad naqay maalgashiga iyo taageerada dhaqaale ee ay Qurbe-joogu ku bixiyaan xagga horumarka dalka. Gebagabadii kulanka, Xubnihii ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf ay Dalladda SSE ku maamuustay Madaxweynaha taasoo uu ku mutaystay dedaalka, dal-jacaylka iyo kartida uu Madaxweynuhu la yimid iyo hannaanka uu dalka JSL u gaadhsiisay horumar aan la qarin karin. Guddoomiye Cabdiraxman Yasiin ayaa isagoo ka wakiil ah Dallada SSE wuxuu Madaxweynaha guddoonsiiyey Shahaado Sharaftii ay ugu talo galeen. 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

????????????????????????????????????

kulanka-sse-iyo-madaxweynaha

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews