berberatoday.com
Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Ku Eedeeyey Abaabulka Bannaanbaxyo Uu Marin Habaabin Ku Tilmaamay
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

“Caalamku innama qasbayo ee waxay inna leeyihiin Sharcigiinnu siduu yahay ee Annagana aad nagula heshiiseen ee nagu hawlgeliseen hawsha doorashada u qabta..” Maxamed Cismaan Fadal

“Xisbiga WADDANI waxa uu adeegsanayaa Sharciga, halka Xukuumaddii talada haysey iyo Xisbigeedi adeegsanayaan muddaharaad iyo qas.” Siciid Bustaale

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Cambaareeyey, isla markaana wax Dadweynaha lagu jaha-wareerinayo ku tilmaamay Bannaan-baxyo shalay ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, kaasoo lagu taageerayey go’aanka Madaxweynaha Somalliland ku kala reebay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay Maxkamadda sare sannadkii hore go’aamisay in mar la wada qabto 27 March 2017-ka. Hase-yeeshee, ay Qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalaha doorashada ka taageera Somaliland ka biyo-diideen kala qaadistooda, Xisbiga WADDANI-na uu ku taageeray.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siciid Bustaale iyo Xoghayaha arrimaha dibedda WADDANI Maxamed Cismaan Fadal, ayaa ka hadlay isu-soo-baxa lagu taageeray go’aanka Madaxweynaha, waxaanay ku tilmaameen ayaan-darro. Waxaanay tilmaameen in dhibaato ka soo gaadhay Dadweynaha Suuqa Caasimadda Hargeysa ku ganacsada oo ay sheegeen in qaarkood la boobay.

Siciid Bustaale oo ka hadlaya bannaan-baxaas, waxa uu yidhi; “Bannaan-bax ka dhacay saaka (shalay) Caasimadda Hargeysa oo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ay soo abaabuleen Ardaydii ay waalidiintoodu Iskuullada u soo dirteen oo la yidhi kaalaya soo muddaharaada oo Suuqa la keenay. Taasoo keentay in Tuugtii iyo Dadkii Suuq-joogga ahaa ay gacanta saaraan hantidii ganacsatada sida sida Sarriflayaashii iyo Wadhatadii oo gacanta la mariyey hantidoodii.”

“Xukuumadda ayaa soo abaabushay muddaharaadkaa lagu boobay hantidii Masaankiinta ganacsiga u soo kallahay. Cidda maanta dhibaato gaadhay waxaa ka masuul ah Xukuumadda iyo Xisbigeeda Ciirciiraya ee KULMIYE. Waxaannu cambaaraynaynaa Muddaharraad kasta oo aan sifo sharci ah loo soo marin oo lagu jaha-wareerinayo Ummadda, waxaanannu leenahay Xukuumadda iyo Xisbigeedu haka daayaan waxaas. Xisbiga WADDANI waxa uu adeegsanayaa Sharciga, halka Xukuumaddii talada haysey iyo Xisbigeedi ay adeegsanayaan muddaharaad iyo qas.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Bustaale.

Maxamed Cismaan Fadal oo sidoo kale arrinta lagu eedaynayo qaadhaan-bixiyeyaasha iyo go’aanka kala qaadista doorashooyinka ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waxa Maanta taagan markii kala qaadka doorashada ay Bulshada iyo Xisbiga WADDANI ka hadleen laga dhigo in caalamku inna qasbayo oo wax innoo yeedhinayo. Caalamku innama qasbayo ee waxay inna leeyihiin oo innoo soo jeedinayaan sharcigiinnu sida uu yahay ee annagana aad hore noogula heshiiseen ee aad nagu hawlgeliseen hawsha doorashada u qabta. Sidaa annaga oo WADDANI ah ayaa leh.”

“Waxa la isku haystaa doorashadii la muddeeyey ee ay Komishanka Qaranku yidhaahdeen wakhtigoodaannu ku qaban karnaa, ee dowladdu dhaqaaleheeda qaadatay, ee Bulshada caalamku qaadatay, ee iyagoo isasaaran la qaban karayey, maxaa loo kala saaray? haddiise la kala saaray sharci ma tahay? Haddii-se la kala saaray maxaa iyaga ka saaran ee Beesha caalamka loogu eedaynayaa? Waxa ka saaran shaqaa loo diray oo shaqadoodii bay ka soo baxeen (Beesha caalamku), taasna waxaan leeyahay dadka reer Somaliland yaan la jahawareerin, yaan Saaxiibbada iyo dantooda laga jaha-wareerin.” Sidaa ayuu yidhi Xoghaye Fadal.

Maxmaed Cismaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay Dacwadda uu Xisbiga WADDANI u gudbiyey Maxkamadda Sare iyo waxa uu ka doonayo, waxaanu yidhi; “WADDANI waxa uu u arkaa go’aankii Maxkamaddu qaadatay ee doorashada (Sannadkii hore) inuu go’aan sharci ah oo inna haya uu yahay. Maxkamadda ayuu WADDANI geeyey Warqad (DACWAD), WADDANI waxa uu Maxkamadda ka doonayaa Sharciga ay iyadu soo saartay ee WADDANI u taagan yahay ee ilaalinayo ee uu difaacayo iyada aayeheeda weeyaane in la ilaaliyo.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews