berberatoday.com
Maxkamada Gobolka Togdheer Oo Todoba Maalmood Oo Udirtay Xabsiga Burco Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Sakaaro
September 26, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa maanta todoba maalmood oo Xadhiga ah uidirtay Gudoomiye Kixigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA ahna Gudoomiyihii Wargeyska Xayiran ee Codka Shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro).

Maxkamada Gobolka Togdheer iyo Xeer ilaalinta gobolkaas ayaa ku eedeeyay Wariye Axmed Sakaaro dacwada dhibane kayahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi taasi oo la xidhiidha jawaab uu Axmed sakaaro ka bixiyay hanjabaad iyo hadalo xajiin ubadan oo Wasiirka Madaxtooyadu kula kacay Suxufiyiinta Madaxbanaan ee Somaliland taas oo wasiirku kutilmaamay budhcad ku qawlaysta qalinka dalkana uu ka xoreyn doono.

Axmed Sakaaro oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ayaa jawaab adag kasiiyay Wasiirka hanjabaadaas iyo qadafkaas uu Suxufiyiinta Bulshada ushaqeeya kula kacay isaga oo Axmed Sakaaro sheegay inay feejignaadaan Wariyayaashu iskana ilaaliyaan shirqoolada iyo waxyaabaha nafahooda lagu waxyeelayn karo, waxaanu Axmed Sakaaro arinkaas marag uga dhigtay weerar qorshaysan oo dabayaaqadii sanadkii hore badhtamaha magaalada Burco loogu gaystay oo dhaawacyo halisana madaxa lagala dhacay cid alaale Cidii loo xidhayna laga siidaayay xaq iyo xeerna midna aan la marinin.

Axmed sakaaro

Iskusoo wada duuboo Xadhiga Suxufiyiinta tacdiga iyo cagjuglaynta Xukumada Madaxweyne Siilanyo ayaa xadhkaha goostay mudadii dalka uu hogaaminaayay Madaxweyne Axmed Siilanyo iyada oo aan marnaba la ixtiraamin xoriyada hadalka iyo ta qalinka toona in badana dad shacab ah xitaa lagu taxaabay aragtiyo ay baraha bulshada ku baahiyeen oo dhaliilo xambaarsan iyada oo aan loo aabe yeelayn cidkasta oo Xukumada dhaliileheeda banaanka keenta.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews