berberatoday.com
Xukunkii Maxkamadda Sare Anigu Waan Ku Diirsaday, Dhaqangelinta Xukunkan Ayaa UCID Ku Ah Qasab Waayo Waa Xukun Dhacay Oo Ay Riday Maxkamadda Sare” gud. Cali Guray
September 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-“waayo waxa uu si sharci ah u soo af jaray khilaafkii soo jiitamayay mudada dheer ee ku saabsanaa Heshiiskii Bedbaadinta UCID ee ay wada galeen Xisbiga UCID oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen yo Garabkii Udub ee uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen. 
Marka hore waxan ku faraxsanahay in ay labada dhinacba aqbaleen Xukunka Maxkamadda Sare. Xukunkan ay gaadhay maxkamaddu wuxu labada dhinac ku waajibinayaa in si wada jir ah ay u fuliyaan dhamaan qodobada Xukunka. Xukunka Maxkamaddu wuxu farayaa labada dhinacba in, iyada oo la raacayo Xeerka Xisbiga la qabto Shirwayne Aan Caadi ahayn oo la hor geeyo Heshiiskii hore loo wada galay si uu u ansixiyo dhamaan qodobadii heshiiska sida ku cad go’aanka Xukunka Maxkamadda. Dabcan ansixinta heshiiskanna waxa si buuxda ugu soo af jarmaya gebi ahaanba khilaafkii Xisbiga UCID. Dhaqangelinta xukunkan ayaa UCID ku ah qasab waayo waa xukun dhacay oo ay riday Maxkamadda Sare ee JSl oo labada dhinac midna xaq u lahayn inu rafcaan ka qaato kuna qasban yahay inu u hogaansamo. Dhinici ka horyimaadana, hadii ay dhacdoba waxay ku gelaysaa dembi ay ku mudan karto ciqaab.
Hadii ay dhacdo in qodobada qaar aan si loo wada fahmin ee dhinacba fasiiraad ka duwan tan dhinaca kale la yimaado ugu dambaysta waxa fasiraad la waydiisan karaa Maxkamadda Sare oo iyada fasiraadeedu ay shrci noqonayso.
Markaa anigu ma arko wax dhibaato ah uu hor taagan dhamaystirka khilaafkii Xisbiga UCID.
 
Sidaa daraadeed waxa waajib ku ah Gudoomiyaha xisbigu in si xikmad iyo curin leh oo masuuliyadi ku dheehan tahay uu ugu hogaamiyo xisbigiisa sidii uu uga bixi lahaa khilaafka ragaadiyay si uu ula tartamo labada xisbi ee kale oo aan is leeyahay hadii Ilaahay karsiiyo Gudoomiyaha UCID xisbi ahaan loogama dhawa guusha waxanu noqon karaa xisbul xaakimka Somaliland hadii Alleh yidhaa. 
Ugu dambaystii anigu shakhsi ahaan wax dan ah oo gaar ah oon ahayn guusha UCID haba yaraato eh kama lihi xil aan ka doonayo oo aan ku dheganahayna ma jiro manfac iyo mansab midna.
Wa Bilaahi Tawfiiq 
Gudoomiye Ku Xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid
Caligurey

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews