berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer Oo Waaran Soo Qabasho Ah Ujartay Wariye Axmed Sakaaro Oo Shan Maalmood Ka Hor Maxkamada Gobolka Togdheer Xoriyadiisa Ucelisay
October 31, 2016 - Written by Berbera Today

Axmed sakaaroBurco(berberatoday.com)-Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer iyo Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Togdheer ayaa maanta waaran soo qabasho ujartay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro) ahna Gudoomiyaha Wargeyska Codka shacabka ee xukumadu hore uxayirtay oo mudo hada laga joogo shan maalmood Maxkamada Gobolka Togdheer xoriyadiisa ucelisay isaga mudo 30 maalmood uxidhnaa Wasiirada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan.

Axmed Sakaar oo goor dhaweyd lasoo xidhiidhay Warbaahinta Madaxbanaan ayaa sheegay inuu warka waaranka soo qabashada ah ka helay ilo ku dhawdhaw Maxkamada racfaanka iyo Ciidamada Booliska burco kuwaas oo uxaqiijiyay in Waaran soo qabasho ah loo jaray lana doondoonayo.

Wariye Axmed Sakaaro ayaa mudadii 30ka maalmood ahayd ee uu hore uxidhnaa aan marba Saldhigayada burco ee booliska loo kala wareejinaayay iyada oo qaabka markaas hore loo xidhayna ahaa qaab sharciga iyo qeynuunka baalmarsan iyada oo horena aan waaran maxkamadeed loogu jarin.

Xadhigan wariyahan ee soo noqnoqday ayaa waxa dabada ka riixaya Wasiirada Madaxtooyada iyo hawlaha Guud ee Somaliland iyaga oo wariyahan ku haysta sidaad Xukumada wax uga sheegtaa maadama oo aad kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Axmed Siilanyo iyaga oo ku cabiidinaya wariyahan inuu Muxaafid unoqdo Xukumada oo uu indhaha ka qarsado maamulkeeda Gurcan iyo dhaliilaha muuqda ee wariyuhu umadax bananyahay inuu sheego.

Wasiirada Madaxtooyada Iyo Hawlaha Guud ayaa adeegsanaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan Oo Isagu  amarka soo qabashada Wariyahan geedkuu galaba kadaba galaya isaga oo adeegsanaya Ciidamada Booliska Burco iyo Maxkamada racfaanka Burco iyaga oo maalintii hore ee lasiidaayayba xeer ilaalinta gobolka Togdheer diiday siidayntiisa dalbatayna Racfaan hoose oo xadhig ahaan loogu sii hayo xabsiga.

Kala Soco Shabakada Berberatoday.com wixii warar kasoo kordha waaranka Maxkamada racfaanka Burco ujrtay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SECJA Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews