berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Laba Wariye Oo Katirsan Warbaahinta Gobolka Saaxil Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigooda Oo Lala Xidhiidhayay……
February 8, 2017 - Written by Berbera Today

Labada wariye ee la xidhayBerbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera oo uu horkacaayo Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa xabsiga utaxaabay laba wariye oo kala ah Wariye Mubaarik Cismaan Siciid(Nirig)oo katirsan Tvga Madaxabanaan ee Star Iyo Wariye Axmed Siciid Maxamed oo katirsan tvga Waaberi sidoo kale Labada Wariye ayaa jidh dil loo gaystay islamarkaana laga jajabiyay kamaradihii ay siteen.

Weerarka iyo jidh dilka labada wariye lagu qaaday ayaa waxa qeyb ka ahaa Agaasimihii hore ee gaadiidka Madaxtooyada ninka lagu magacaabo Abshir Xasan Sheekh oo hada Berbera uga shaqeeya Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Sheekh Maxamud Jirde oo guryaha uga dhisa hawlaha kale ee ay ka yeelatana uga qabta.

Goobta dhacadadani ka dhacday oo aheyd Jago banaan oo kutaala shacabka Berbera islamarkaana ay dad danyar ah oo reer Berbera ahi sheeganayaa balse uu dhisme bino ah uga wado ninka Lagu magacaabo Abshir Xasan Sheekh ayaa waxa ay Labada wariye  war cabasho ah ka duubayeen dadka danyarta ah ee sheeganaya oo iyagu sheegay in awooda dawladeed dhulkaas lagaga raray lagana qaaday.

Waxaanu weerarka ku qaaday Labada Wariye Ninka lagu magacaabo Abshir Xasan Xaashi isaga oo difaacaya in la sheego dulmiga ay Marwada Madaxweynaha Somaliland dadka danyrata ah kaga qaaday dhulkooda isaga oo jooga goobta dhismuhu ka socdo oo kutaala shacabka Berbera gaar ahaan agaagarka agagaarka Xabsiga weyn ee Berbera.

Waxaana dhawaacyo soo gaadheen Labada wariye oo gacmaha iyo wajiga nabaro dhaawacyo ah laga gaadhsiiyay kuwaas oo uu kun dhuftay ninka layidhaa Abshir ee katirsanaan jiray shaqaalaha Madaxtooyada ee hadana ushaqeeya Marwad Madaxweynaha Aamina Waris.

Wariyayaasha dhaawacyada qaba ayaan ilaa hada cisbataal la gaynin balse Saldhiga dhexe lagaga xidhay Qol yar oo cidhiidhiya.abshir ey

Labada wariye ayaa hada ku xidhan qol yar oo cidhiidhiya oo kuyaala Saldhiga dhexe ee Berbera waxaana loo diiday inay booqdaan eheladooda iyo asxaabtooda iyada oo si aan xad lahayn gaadh culus looga qabtay.

Halkan Hoose Ka Daawo sawirada Goobta Marwada madaxweynaha Loo dhisaayo Ee Wariyayaasha Lagu Xidhay Iyo Abshir oo dhex Taagan

18650003 18650002 18650001

Ilaa Hada War Kamay Soosaarin Xadhiga wariyayaashan Haayadaha amaanka Ee Gobolka Saaxil Iyo Maamulka gobolku toona

Lasoco wixii warar ah ee kasoo kordha xadhiga labadan wariye 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews