berberatoday.com
Masuuliyiinta Shirkada Dekeda Berbera Laga Kireeyay Ee DP World Oo Diiday Waraaq Amar Ah Madaxweyne Siilanyo Usoo Dhiibay Wasiiro Berbera Ujooga Xali Uhelida Cabashada Ganacsatada Iyo Shaqada Dekeda Ee Maalintii Labaad Taagan
September 11, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Shirkada DP World Ujooga Dekeda Berbera oo ubadan Rag Ajinabiya Oo Ubadan Indha Yar,Carab Iyo Hindi ayaa ka dhega adagay oo Diiday Waraaq iyo amar kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Siilayo amarkaas oo masuuliyiinta shirkada Dp World Madaxweynuhu ku faray inay shaqadooda ufasaxaan Ganacsatada ay ku cabiidiyeen xidhashada qalabka ay ku sheegeen badbaada Waxaan Waraaqdaas La Sheegay Inay Soo Gaadhsiiye Sadex Kamida Golaha Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo oo Kala ah Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan)Wasiiru Dawlaha Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Muuse diiriye Iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyada Axmed Xaashi.

Warar soo baxaya oo shabakada Wararka Ee Berberatoday.com Helaysaa waxa ay sheegayaan in Masuuliyiinta Shirkada DP World Markii waraaqdaas Loo Geeyay Kulana ay La Qaateen wasiiradu ayay ugu Jawaabeen Inaanu amarkani Iyaga khuseynin Madaxweynuhuna Aanu Xukumine Iyaga(Shaqaalaha DP World)Oo Dubai Laga xukumo amarka dubai Iyo xafiiska Guud Ee Shirka Kasoo baxana ay iyagu Ka shaqaale Ahaan ay amarkaas Oo kaliya Fulin Karaan amarka Madaxweynuhuna aanu iyaga Khuseynin.

Markay intaasi Dhacday ayaa wasiirada xukumada Ka socday Masuuliyiinta shirkada Ka dalabadeen inay xafiiskoodii dubai La Hadlaan waraqda Xafiiska Madaxweynaha Kasoo baxadayna udiraan si dagdag ah uga soo jawabaan hase yeshee Taasi May dhicin oo Waxay sheegeen Masuuliyiinta shirkada DP World Shaqaalaha U ahi inaanay jawaab dag dag ah hada helaynin oo jawaabta warqaduna qaadanayso Wakhti Hase yeeshee waxay xal ka dhigeen Inay Iyagu ka Masuuliyiin ahaan 24 saacadood siinayaa Madaxweynaha Iyo Waraqadiisa Oo sidaas shaqada lagu bilaabo Ganacsatada 24kaa Saacadood Laga daayo qalabkii  Lalahaa Xidha haseyeeshee amarka  rasmiga ah laga sugaayo Xafiiska Dubai Iyo Madaxda usareysa shirkada DP World ee imiraatka Joogta Marka 24 saacadood Dhamaadana La joojin doono shaqada oo La sugayo amarkaas guud.

Masuuliyiinta shaqaalaha U ah Shirkada DP World Waxay sheegeen  Inaan amarka Madaxweyne Siilanyo Iyaga U oolin shaqadoodana aanu ahayn Hase yeshee ay ka xukumad ahaan wada hadlaan shirkada Madaxdeeda ay waxa kala Kireysteen.

qaskan Dekeda kasocda ayaa waxa la sheegay inuu wado Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodog Uyahay Ee Baashe Morgan Oo la sheegay inuu saami ahaan uleeyahay 12% dhaqaalaha Dekeda Berbera Kasoo Waana Ta uu doonayo inuu waligiiba qaato Hadiiba uu Heshiiskan Muranka badani Hadheeyay ee madmadawga Badani hirgalo.

dhinaca Warar xogogaala oo aanu helay ayaa Waxa Ay sheegayaan in amarkan Kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland ee lagu socodsiiyay Shirkada DP World uu ka danbeeyay kadib Markii shalay Qeylo dhaanta ganacsatada Iyo dekeda xidhani gaadhay aqalka Madaxtooyada ee dalkaLooga arimiyo Taasina ay Keentay Inay xafiiska Madaxweynaha shir Deg Deg ah Ku gakaan Madaxweynaha Axmed Siilanyo Iyo Gudoomiyaha ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay inay Labaduba Ka Cadhoodeen Habdhaqanka shirkada DP World iyo Dekedii dalka oo alabaabadu Xidhan Yihiin.

Waxaana Dad goob joo ka aaa shirkaasi Madaxtooyada ka dhjacay ay sheegeen in Madaxweyne Siilanyo oo cadhaysani ku tiraabaayay goorma ayay nimankan carabta ahi naqabsadeen oo Dekedii dala xidheen sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa isagana laga soo sheegay inuu lahaa Madaxweyne Dadka iyo dalkaba adaa madaxweyne u ah hada talaabo Ku haboon ka qaad nimanka carabta ah ee Dalkii gees ilaa gees kaga qeylisiiyay ee maanta Dekedii dalku uxidhantahay.

sikastaba amarkii Madaxweyne Siilanyo shirkada DP World Kusocodsiiyay ayaan ilaa hada dhaqan galin waxaana maalintii Labaad alaabadu uxidhan yihiin Dekedii kali ahayd ee dalkani lahaa iyada oo aanay jirin shaqo ka socota iyo dakhli kasoo xeroonayaa toona.

 

 

 

Berberatoday.com

London Staff

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews