berberatoday.com
Jaamac Yuusuf Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Saaxil Oo Noqday Masuulkii U Horreeyay Ee Umadda U Qirtay Qalad Iyo Gef Uu Ka Galay, Isagoo Qoomameynaya Dhibaatada Bulshadu Ka Dhaxashay Go’aan Uu Qaatay Oo Berbera Biyo La,aan Baday
April 12, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera oo ka mid ah magaalooyinka dalka ee ay ka socdaan mashaariicda waaweyn ee horumarineed, isla markaana ay ku gedaaman yihiin duruufo iyo waayo maamul oo kala duwan.

Sidaasi awgeedna, guddoomiyihii hore ee gobolka Saaxil ayaa arrimahaasi cadeeyay, isagoo ka hadlaya xaflad uu xilka ugu wareejinayo guddoomiyaha cusub ee uu dhawaan u soo magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa ugu horreyn ka warramay tallaabo uu qaaday intii uu xilka hayey oo uu hadda u arko inay qalad aheyd, isla markaana bulshada gobolkaasina ay ka dhaxashay dhibaato aanay hore u qabin, taasi oo ummadda ka codsaday inay ka cafiyaan, waxaanu yidhi, “Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay, waxaanan leeyahay dadweynaha reer Berbera caf iyo musaamax aynu kala qaadano”.

Guddoomiyihii hore waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey mashaariicda horumarineed ee ka socda Berbera, “Waxa ka socda Saldhigii Millatari, Maalgelintii Dp-world, Madaarkii waxaana lagaa rabaa in aanay hakad gelin oo aanay dib u dhicin, waxaanay mashaariicdaasi ku soo socdeen oo aanu ku soo wadnay waa amniga, sidaasi awgeedna waxaan kugu dardaarayaa inaad iska kaashataan oo aad ka wada shaqaysaan Guddoomiyaha degmada iyo Taliyaha qaybta Booliska”.

Jaamac waxa kale oo uu uga digay Guddoomiyaha cusub arrimo kala duwan oo uu ku sheegay, “Waxa kugu taagan arrimaha ay ka mid yihiin Kawaanka magaalada oo markii hore loo dhisay degmada Berbera si ay dadku xoolaha ugu qashaan, balse uu hadal ka taaganyahay, waana inaad ka hawlgashaan adiga iyo guddoomiyaha degmadu, iyadoo kawaankaa degmada loogu talo galay immikase aanay sal dhigan waxay Wasaaradu ugu talo gashay, waxa kale oo aan kaa dardaarayaa mashruuca kale ee shidaal baadhista oo soo kordhay in amnigiisa la ilaaliyo, iyo waliba muranka ka alloosan meesha la yidhaa Bahdoon oo laysku haysto madaxa tuuladaasi, waana in aanad qaadan go’aan cid kale leedahay, waayo go’aankaagu waa badbaada ummadda”.

Sidoo kalena, guddoomiyihii hore waxa uu guddoomiyaha cusub ee xilka kala wareegaya ku dardaaray xogta xafiiska gobolka, “Guddoomiye, waxa loo baahanyahay in xafiiska Gobolka loo ilaaliyo dhukmantigiisa iyo sirtiisa, oo aad ku faro adaygto, waayo in badan ayaan xafiiska joogay oo aan wax badana arkay oo way jiraan wax dhib u keeni kara shacbiga walaalaha ah ee wada degan ee reer Saaxil”.

Dhinaca kalena, Guddoomiyihii hore Jaamac Yuusuf waxa uu si qotto dheer uga warramay waayihii iyo duruufihii ku gedaanaa waagii isaga xilka loo magacaabay, isla markaana uu ku sheegay inuu ka nasiib fiican yahay Guddoomiyaha cusubi, marka laga reebo in wali aanu gobolku lahayn xafiis uu leeyahay ee uu ku jiro ergiso wanaagsan.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde), iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo masuuliyiin kale iyo marti sharaf kala duwan oo ka soo qaybgashay xafladan labad masuul xilka kulak ala wareegayaan ayaa halkaasi ka hadlay oo ku soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub xilka loo magacaabay, ALLE na uga beryay inuu ku asturo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Uu Gudoomiyaha Xilka Laga Qaaday Shacabka Reer Berbera Cafiska Ku Weydiisanayo

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews