berberatoday.com
“Maxamed Kaahinoow Waddani Khilaaf Kama Dhex Jiree, Orod Oo Kala Qabo Reerkiina Iyo Reeraha Kale”Siyaasi Cabdi Haybe
April 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah xubnaha hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed kaga hadlay khilaafka ka dhex jira xisbiga Waddani.

Image result for Siyaasi Cabdi Haybe

Cabdi Haybe, wuxuu Wasiir Kaahin u soo jeediyay inaanu ku mashquulin xisbiga Waddani, “Guddoomiyihii hore ee Gobolka ee Ina Bustaale, iyo qaar kale ayaa hadlay, oo yidhi garab baanu nahay, kooxdana arinkooda Dawladda Kulmiye ayaa ka dambaysa, halkaas ayaana laga soo diray, khilaaf ku dhex jira Xisbiga Waddani ma jiro, haba yaraate, Maxamed Kaahina waa kii ka hadlaayey arintan ee lahaa khilaafaad baa soo dhex galay, Maxamed Kaahinoow Xisbiga Waddani khilaaf kama dhex jiree ee Wasiirkii Daakhiliga ayaad tahay ee dagaaladan reerkiini iyo reeraha kala galayaan, orodoo wax ka qabo, Maxamed kaahiinoow shaqadaadii baa daayaca ee shaqada ku filnoow, Waddani ha ku mashquuline, wax dhibaato ah oo Waddani ka jiraana ma jirto”.

 

 

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa wuxuu yidhi yidhi “Sicir bararkaba dawladda ayaa wada, halkii laga doonayey in Sicir bararka laga abaaro Dawladdu kamay abaarin, Zaadka dadka reer miyiga ah loogu diraayey tobanka doolar, ayey abaareen ee lacagta faraha badan ee ay soo sarifanayaan iyo lacagtan faraha badan ee ay soo daabacanayaan ayaa sabab u ah, waxa kale oo sicir bararka sabab u ah qaadkan dadkii cudurka ku riday, ee galabtiina doolarka lagu urursanayo, Dawladdii hore ee Kulmiye iyo tan joogtaaba iyaga ayaa masuul ka ah sicir bararka.”

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews