berberatoday.com
Dibloomaasi Sare Cabdiraxiim Caabi Faarax Oo Dalka Mareykanka Ku Geeriyooday Iyo Wariye Axmed Siciid Cige Oo Taariikhdiisa Warbixin Ka Qoray
May 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa xalay ku geeriyooda alla ha u naxariistee magaalada New york Cabdiraxiim Caabi Faarax kaaliyihii hore ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1973-1978 iyo kuxigeenkii xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1979-1990 .wuxuu ahaa dibloomaasi Soomaaliyeed oo caan ahaa oo keli ku ahaa inuu derejadaa gaadho,

Waxaa geerida alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Caabi Faarax oo hadda da’diisu ahayd 98 sano jir xaqiijiyay Cabdillaahi Maxamed Aar iyo Xasan Cabdillaahi Caabi oo ka tirsan qoyska .

Taariikh nololeedka Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax warbixintan waxaa  ka diyaariyay Wariyaha Ruug Cadaaga Ah ee Axmed Saciid Cige oo dhowr jeer la kulmay Cabdiraxiim Caabi Faarax oo aan ka soo qaadanay bogiisa Facebook Qoraalkan ayaa Waxa uu Udhignaa Sidan”

.Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ku dhashay 22 october 1919 degaanka barry ee Gobolka Wales ee UK . waxbarashadiisii yaraantiisii wuxuu ku qaatay university college Exeter, markii danbena wuxuu ku dhamaystay waxbarashadiisa sare jaamicadda Oxford ee England.

Maamulkii British Somaliland ayuu shaqaale ka soo noqday isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan 1951-1960 , waxaa jirtay mar uu noqday Cabdiraxiim Caabbi Faarax agaasimaha idaacadda Radio Hargeysa xilligii gumeysigii ingiriiska . Cabdiraxiim Caabbi Faarax xornimadii 1960kii wuxuu noqday safiirkii ugu horeeyay ee Somaliya u fadhiista dalka Ethiopia magaalada Adis-ababa 1961-1965 . 1965-1972 Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya , isagoo weliba mudadii u dhaxaysay 1969-1972 ahaa gudoomiyihii gudigii la dagaallaanka midab-kala-sooca ee xornimadii dalka koonfurta Afrika u halgamaayay . Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu 1973-1978 wuxuu ahaa kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay . 1979-1990 Marxuum Cabdiraxiim Caabi Farax wuxuu ahaa ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay , waana qofka keliya ee Soomaali ah ee derejadaa gaadhay.

Hooyada dhashay Dilomaasiga Sare ayaa kasoo jeeday Uk Gaar ahaa Gobolka Wales.

Weriyaha qoray warbixintan Axmed Saciid Cige oo sheegay inuu kula kulmay Cabdiraxiim Caabbi Faarax markii ugu horeysay 1979 magaalada hargeysa oo uu u yimid Cabdiraxiim qaxootigii faraha badnaa ee Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalladii Somaliya iyo Ethiopia , iyo mar labaad oo isla Hargeys kula kulmay sagaashanaadkii. wuxuu ku sifeeyay inuu ahaa dibloomaasi waaya arag ahaa oo aad u yaqaanay dhaqanka Soomaalida iyo ka reer galbeedkaba . Mudadii ka danbeysay xilligaasi Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu noqday hawlgab laakiinse kuma joogsan sidaasi ee wuxuu 1991 Hargeysa ka asaasay xarunta lugaha iyo gacmaha macmalka ah loogu sameeyo dadka miinada iyo dagaalladii naafeeyeen oo haatan bisha casi gacanta ku hayso. Cabdiraxiim Caabi Faarax wuxuu ka dhashay qoys caan ah oo ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Caabbi Faarax , iyo Cabdiraxmaan caabbi Faarax oo muudo dheer madax ka ahaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Sida qoyska alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Caabi Faarax xaqiijiyeen waxaa lagu aasayaa dalka mareykanka oo uu ku geeriyooday Marxuum xalay 13may2018.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews