berberatoday.com
“Abooy Markaan. Adduunyada Imiyo. Ilaa Maanta Oon. Awood Leeyahoo. Arrin Lay Dirsado. Mar Kastaba Adaa. Usha Ii Sidoo. Edebta Iyo Diin. Iga Dhigay Adeec. Akhlaaq Fiicanoo. Ma Ilaabi Karo. Abaalkaagiyoo. Aayado Duco Ah. Ayaantii Kastaba Inaan Kuu Kuu Akhriyo. Waad Istaahishaa. W/Q Mohamed Abdillahi Soofadhiste
July 14, 2018 - Written by Berbera Today

Waa Gabay Baroordiiqa  Oo Aan Aabahay Alle Ha Unaxariistee Marxuumka Cabdillahi Faarax Jaamac(Soofadhiiste)Ugu Murugoonayo Kuna Sagootiyayo Ilaahayna Ubaryayo Inuu Wanaagiisii Uu Nagu Soo Koriyay Umadana Kula Dhaqmi Jiray Ku Amaal Mariyo

Aadmiga dhamaan. 
Idilkood ma jiro. 
Axad waaraayaa. 
Aabooy Sidaad.
Noo ababiseed.
Aqoon noo bartee.
Cilmi lagu aflaxo.
Nagu aadiseed.
Maxad iyo iskuul.
Arday noo qortee.
Isha noo furtaad.
Waligay ogoo.
Ma ilaabi karo.
Abaalkaagiyoo.
Aayado Duco ah.
Ayaantii kastaba.
Inaan kuu akhriyo.
Waad istaahishaa.
Ehelkii janada.
ALLE kaa dhigyoo.
Ambiyadi wacnaa.
Asaxaab la noqo.

Abooy markaan. 
Adduunyada imiyo. 
Ilaa maanta oon. 
Awood leeyahoo.
Arrin lay dirsado. 
Mar kastaba adaa. 
Usha ii Sidoo. 
Edebta iyo diin. 
Iga dhigay adeec. 
Akhlaaq fiicanoo.
Ma ilaabi karo. 
Abaalkaagiyoo. 
Aayado duco ah. 
Ayaantii kastaba 
Inaan kuu kuu akhriyo. 
Waad istaahishaa. 
Ehelkii janada. 
ALLE kaa dhigyoo. 
Ambiyadi wacnaa. 
Asaxaab la noqo.

Aboow samoow. 
Ilaa maalintii. 
Lagu qoray askari.
Maraad alifle iyo. 
Dable aad ahayd. 
Iyo aabo qaar. 
Aad steeshiniyo. 
Unug haysatiyo. 
Maantood ahayd. 
Taliyaha amniga. 
Gaadiidka idilka 
Arligaa burcaba. 
Lagu aaminood. 
Derejada astaan. 
kabtan kuu ahayd. 
Eex looga baran. 
Aabooy Adaa. 
Talo iyo adduun. 
Anfacada xalaal. 
Ubadkaaga dheef. 
Inamiyo hablaba. 
La ag joogayayoo.
Axad waxad ahayd. 
La amaanayoo. 
iin lagu naciyo. 
Afxumiyo nusqaan. 
Dadka odhaninoo.
Wax ilaaliyoo. 
ALLE dhawrayoo.
Ma ilaabi karo. 
Abaalkaagiyoo. 
Aayado Duco ah. 
Ayaantii kastaba. 
Inaan kuu akhriyo. 
Waad istaahishaa. 
Ehelkii janada. 
ALLE kaa dhigyoo. 
Ambiyadi wacnaa. 
Asaxaab la noqo.

Aabooy markii. 
Malag Amar qabaa. 
Ajashaada jaray. 
Amin waxay ahayd. 
Aad axsaan fal iyo. 
Amuur Waajibaad. 
U adeegaysoo. 
Arrintaad wadaa. 
ALLE kaaga dhigi. 
Midaad aakhiriyo. 
aayaha RAXMAAN. 
Ajar kaga heshoo. 
su,aalaha igmane. 
iilkaaga yaal. 
Kuwaan kugu adkaan. 
Oo wada ansaxa.
EEBAA kaaga yeel.
Anigana cishadad. 
Aabooy go,daa.
ii noqon ayaan abidkeed madow. 
Oon waliba tebo. 
Odayniimadaan. 
Ifka kugu qabeen. 
Kugu eegan jiray. 
Abooy anana. 
Ooli mayno ee
Intaan noolahiyo. 
Inta ii hadhee. 
ii iman xaquna.
Waxan sii ahaan.
Mid agoon ahood. 
Ka ag maqan tahee. 
Naxariis ILAAH. 
aabooy ku sii. 
Ana ereyo iyo
Aabooy odhaah. 
Astaantaad lahayd. 
Aan idhaah marnaba. 
Kuma ururin karo. 
Abaalkaagiyoo. 
Aayado Duco ah.
Ayaantii kastaba. 
Inaan kuu akhriyo.
Waad istaahishaa. 
Ehelkii janada. 
ALLE kaa dhigyoo. 
Ambiyadi wacnaa. 
Asaxaab la noqo. 
Aamiin ALLOOW
AAMIIN DUCADA. 
ALLOOW IGA AJIIB. 
AAAMIIM AAAMIIN

W/Q Mohamed Abdillahi Faarax(Soofadhiiste) Oo Agoon Noqday 31.01.2018

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews