berberatoday.com
Cilmi Baadhis Sheegtay In Xayawaanka Eygu Uu Leeyahay Garaad Uu Ku Fahmi Karo Hadalka Aadamaha
August 6, 2018 - Written by Berbera Today

Budapest(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Hungary ayaa daahfurtay in eydu ay leeyihiin garaad ay ku fahmi karaan qaar ka mid ah ereyada ay dadku ku hadlaan. Tijaabo lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee caalami ah, ayaa ay cilmibaadhayaashu 13 ey ku tababareen in ay ku fadhiistaan qalabka shaybaadhka ee ‘MRI’ ga loo yaqaanno si loola socdo sida ay maskaxda eygu uga falcelinayso ereyada ay cilmibaadhayaashu ku odhanayaan.

Waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in maskaxda eydu ay hadalka uga falceliso si aad ugu eeg sida ay maskaxda aadamuhu u shaqayso marka ay ka falcelinayso hadalka lagu yidhi. Dhinaca midig ee maskaxdu waxa ay ka shaqaysaa arrimaha dareenka la xidhiidha, halka dhinaca bidixduna uu ka shaqeeyo fahamka macnaha, tusaale ahaan marka uu eygu maqlo ereyo amaan iyo dareen dabacsan tilmaamaya, waxaa iswaafaqaya labada dhinac ee maskaxda, waxa aana eyga laga dareemayaa farxad.

Tijaabooyinka la sameeyey waxa ay muujiyeen in eygu uu awood u leeyahay in uu kala saaro waxa uu qofku ku hadlay iyo sida uu u yidhi, sida oo kalana uu awood u leeyahay in uu isku daro ereyga la yidhi iyo sida loo yidhi, si uu u helo fasiraad buuxda iyo faham dhammaystiran, arrintaas oo aad ugu eeg sida ay u shaqayso maskaxda bani’aadamku.

Daraasaddani waxa ay burinaysaa aragtidii hore u jirtay ee sheegaysay in eydu ay fahmaan jabaqda codka, taasna ku go’aan qaataan, laakiin aanay fahmin macnaha runta ah ee ereyga.

Waxa ay cilmibaadhayaashu natiijada daraasaddan cusub ku tilmaameen in ay tahay tallaabo hore loogu qaaday fahamka habka ay eydu u fahmaan hadalka dadka, taas oo looga faa’iidaysan doono wanaajinta isfahamka dadka iyo eyda oo aad loogu adeegsado arrimo kala duwean, oo shaqada bilayska iyo waardiyeyntu ka mid yihiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews