Liiska Mashaariic Tiro Badan, Adeegyo Dawladdeed, Shirkaddo iyo Hay’addo Qaran oo Weli Gacanta Ugu Jira Shakhsiyaad iyo Ganacsato Oo Wali Ah Hal-Xidhaale Hor Yaalla Madaxweyne Biixi!
August 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shacabka Somaliland, ayaa aad u hadal haya wareegto Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi uu ku buriyey heshiisyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo ay ku bixisay Haamihii Keydka Shidaalka ee Berbera, qeybihii Amniga iyo Baarkinka ee Madaarka Hargeysa isla mar ahaantaana uu dib ugu soo celiyey gacanta dawladda maadaama markii hore ay maamulaayeen shirkaddo gaar loo lee yahay, ganacsato iyo shakhsiyaad kale.
Hadda ba Wargeyska Waaberi, waxa uu isku dayey in uu baadhitaan ku sameeyo hay’addo dawladdeed iyo mashaariic kale oo wakhtiyadii Xukuumaddii hore maamulkooda loo gacan geliyey ganacsato, shirkado iyo shakhsiyaad kale oo hab naas-nuujin ah loo siiyey isla mar ahaantaana maamulka hay’adahaas iyo adeegyaddaa dawladdeed ba gacanta ku soo hayey muddo dheer.