berberatoday.com
Akhriso”7-Dii Arrimood Ee Ugu Layaab Badnaa Ee Maalqabeeno Carbeed Ku Bixiyeen Lacagtoodii Ugu Badnayd Wakhti Islaam Badani Gaajaysan Yahay
August 22, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Inta badan waxa aad aragtaa maal-qabeeno carbeed oo la warinayo in ay lacagtooda ku bixiyeen meelo aan munaasib ahayn taasi oo noqotay arrin inta badan muddooyinkan dambe soo noqnoqota oo la arko. Warbixin la soo saaray horraantii bishan ayaa lagu shaaciyey maal-qabeenada carbeed gaar ahaan kuwa u dhashay wadamada Khaliijka Carabta ee sida ku dheel dheelka ah malaayiin dollar ugu bixiyey meelo aan ku habboonayn in lacag intaa le’eg lagu bixiyo. Lacag lagu bixiyey goobo raaxaysi, tukaamaysi iyo la kulan dad caan ah ayaa noqotay mid aan ka soo qaadan doono 7-dii arrimood ee ugu layaabka badnaa ee lacagtii ugu badnayd lagu bixiyey ee maal-qabeeno carbeed ku bixiyeen sida uu baahiyey wargeyska Washington Post, oo uu idiin soo turjumay Wargeyska Foore ayaa waxa ay kala yihiin:

 

 

1-Saacadii Lagu Iibsaday 5-ta Milyan Ee Gini: Maal-qabeen Carbeed oo u dhashay khaliijka ayaa magaalada London ku iibsaday saacad qiimaheedu kor u dhaafay 5-milyan oo gini. Waxa ay saacadani ahayd mid shirkaddii soo saartay si gaar ah u farsamaysay waxaana iibsaday Ghanim Al-cubayd oo u dhashay Imaaraadka.

2- Hadyado qiimahoodu dhan yahay 6-milyan oo ginioo lagaga soo adeegtay suuqa Harrods: suuqyada caanka ah ee London ku yaalla ee dadka maal qabeenada ahi ka adeegtaan waxa ka mid ah Suuqa Harrods waxaanu maal-qabeen carbeed oo u dhashay sucuudigu kaga soo adeegtay agab qiimahoodu dhan yahay 6-milyan oo gini.

3- Casho kali ah ayuu ku bixiyey 1.5-milyan oo dollar:Claudia Shafer oo ah gabadh dharka xayaysiisa oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa la sheegay in casuumad casho ah ay ka heshay amiir u dhashay Imaaraadka carabta kaasi oo cashadaasi ku bixiyey lacag dhan 1.5 Milyan oo dollar, kadib markii ay ku wada casheeyeen Huteel qaali ah oo ku yaalla wadanka Maraykanka.

4- Orgigii lagu iibsaday 13-ka Milyan ee Riyaal: Maal-qabeen Carbeed oo u dhashay waddanka Sucuudiga ayaa la sheegay in uu sannadkii hore ku iibsaday Orgi lacag dhan 13-Milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah, waxaanu ku dooday in orgigaasi ka soo jeedo tafiir adhi waddani ah oo dalkaasi lagu dhaqdo.

5- Berkaddii dabbaasha ahayd ee lagu qiimeeyey 6-Malyuun ee Dirham:Maal-qabeen u dhashay Imaaraadka carabta ayaa la sheegay in uu ku iibsaday qiimo dhan 6-milyan oo Dirham berkad kuwa lagu dabbaasho ah oo laga sameeyey dhagax qaali ah oo aad loo naqshadeeyey.

6- Warqaddii Duugga ahayd: Maal-qabeen u dhashay wadanka Baxreyn ayaa la sheegay in uu lacag qaali ah ku iibsaday warqad lacag ah oo duug ah oo qarniyo hore laga isticmaali jiray waddanka Falastiin. Warqaddan lacagta ah ee duugga ah ayuu ninkani siistay 1000 Gini waxaana la sheegay in taariikh ahaan lacagtaasi la isticmaali jiray 80 sanadood ka hor.

7- I-Pad ayuu ku iibsaday 50-kun oo dollar: Mid ka mid ah maal-qabeenada carbeed ayaa la sheegay in uu 50-kun oo dollar ku bixiyey Koombuyuutar I-Pad ah oo la sheegay in qoloftiisa sare laga sameeyey dahab dhalaalaya iyo macdano qaali ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews