berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Shir Weynaha Shaqo Abuurka Ee Heer Qaran+Daawo Sawiro
August 29, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta daah-furay shirweyne shaqo abuur loogu samaynaayo muwaadiniinta reer Somaliland, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Image may contain: 6 people, people standing and suit

 

 

Munaasibada lagu daah-furayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo inay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga yurub iyo hay’ado kale oo dhawra.

Image may contain: 2 people, suit

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shirkani maanta ayuu inoo bilaabmay, waanu inoo furan yahay qodobada lasoo qaaday saddex uun baan ka xusi oo aan leeyahay aad haloo tix galiya qodobka koowaad shaqo muwaadin qaban karo waxa inoo gudoona inaanu qof ajaanibi ahi haynin, qolada ganacsatada ah ee ka dayrisay farsmo xumaanteena ama tidhi farsamada ma taqaanaan iyo wasaaradda shaqadaba ee ogolaanshaha ajanabiga haysaa ha isla hubiyaan in qofka ajanabiga ahi uu halkan u yimi shaqo aynu qaban karno sababtoo ah waxa aad loo hadal hayaa oo guux badani ka jiraa in shaqooyin aynu naqaano ay dad ajanabi ahi hayaan, waxaana loo nisbeeyaa badanaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, arrintaas waxaynu u baahanahay in laysla hubsado.

Image may contain: one or more people

Qodobka labaad waxa inoo guddoon ah in waxbarashadeena aynu wax badan ka badalno si ay isu waafaqaan suuqyada caalamka, iyo gudahaba ee shaqada iyo waxbarashadeenu.

Qodob kale ayaa tix galin mudan oo waxa ka hadlay Guddomiyihii Sonyo wana baananka sida wax looga amaahdaa way dhib badan tahay, waa arrin tix galinteeda leh waanay joogaan shirkadihii baananku iyaguna inkasta oo ay dhibaato badan qabaan oo ma laha damaanad, waxooduna khatar ayay galaan hadana yeelkeede waa inaynu dib ugu noqonaa sida ugu fudud ee loo fulin karo in dayn la siiyo dadka dhalinyarada ah ama fuqorada ah oo aanay daynta qaadan inta is taqaana ee lacagta lehi ra’yigaasna waynu u baahannahay.

Image may contain: one or more people

Shirkan waxa aynu ka rajaynaynaa inuu keeno ra’yiga ah sidaynu dadkeena u shaqaalaysiinaa waa la badan yahay hay’adihii ajanabiga ahaa waa joogaan, baac-mushtarkiina waa joogaan dawladiina waa joogtaa oo waxa naga wakiilla wasiiradaas oo hawshaas qaabilsan.

Image may contain: 1 person, suit and text

Waxa kale oo aan is leeyahay waxa horumar lagu gaadhi karaa waa daah-furnaanta had iyo jeer ra’yi caamkeenu waxay aaminsan yihiin in dawladu tahay meel musuq ah oo wixii loo dhiibaba cunta oo aaminaadu ku yar tahay baac-mushtarkaa aad loo aamninaa, annagu waxaanu ku dadaalaynaa inaanu dadka ka dhaadhicino inaanay dawladu tuugo ahayn oo wixii loo dhiibo daah-furnaan ku maamulno, dawladdu waa hay’ad wayn, mar qudha ma wada hagaagi karto, laakiin waxa naga go’aan ah in ra’yigaas ilaa lixdankii soo jiray aanu badalno dadkuna arkaan in dawladda wixii loo dhiibay la arki karo markaas ayaa shirkadaha iyo baac-mushtarkuba dawladda aaminayaan oo cashuurtana ay bixinayaan.

Image may contain: 1 person, text

Dhalinyaradda waxaanu ugu tallo galnay waxa haysa wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Wasiirado kale, annaga qorshahayaga shaqadu waa urursan yahay marka la eego dhaqaalaha xukuumadda soo gala, dabcan mudnaanta koowaad maanaan siin shaqo-gelinta, mudnaanta koowaad waxaanu siinay nabad-galyada oo masuuliyadda ugu weyn ee nalaga doonayo ah, mudnaanta labaadna waxaanu siinay caafimaadka, mudnaanta sadexaadna waxaanu siinay waxbarashada, markaa hadaanu qofka amaankiisii, caafimaadkiisii iyo waxbarshadiisiiba kasoo talinay dee shaqo gelintiisa waa in la naga caawiyaa, dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi .

Image may contain: 2 people

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu wuxuu qalinka ku duugay in uu taageeri doona talooyinka, qorshayaasha iyo siyaasadaha lagu horumarinayo shaqo abuurka ee ka so bixi doona shirweynaha shaqo abuurka heer qaran.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews