berberatoday.com
Akhriso :- Tirada Weerarada Ay Ururka Al-Shabaab Qaadey Lix Bilood Gudahood Oo La Shaaciyey
September 5, 2018 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Ururkan ku abtirada Al-Qaacida ee Al-shabaab kana dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay qaadeen xoogaggooda 418 weerar.

Weerarradan oo dhacay intii u dhaxeysay bishii October ee sanadkii 2017 ilaa bishii April ee sanadkan 2018, ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay goobaha muhiimka ah oo ay bartilmaameesadeen iyo farsamooyinka ay u adeegsadeen dhamaanba weerarradaaas.

 

 

Warbixinta ayaa sheegtay in 125 ka mid ah weerarradan ay ka dhaceen Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw, halka inta kale ee soo hartay-na Al-shabaab ka geysteen gobollada Koonfurta Soomaaliya sida Afgoye, Bosaso, Baraawe, Qoryoley, Beledweyn, Merca, Mahadaay, Kismayo, Hosingow iyo Baydhabo

Sidoo kale 16 weerar ayaa la sheegay in Al-shabaab ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya, gaar ahan deegaannada soo xiga xadka ay wadagaan Soomaaliya gaar ahaan Mandhera.

40% weerarrada Al Shabaab waxay u adeegsadeen hubka meletariga, halka 24% ay u adeegsadeen wax-yaabaha qarxa ee la farsameeyo, waxaana weerarradooda tooska ah lagu qiyaasay 2%.

Al-shabaab oo ah kalmad carabi ah laakiin marka afka Soomaaliga lagu mic-neeyo noqoneysa [Dhalinyaro] waa Urur hubeysan oo u jeediisu tahay in uu meesha ka saaro dowladda hadda jirta, iyaga oo taa badalkeeda ku doodaya in loo baahan yahay dowlad Islaami ah oo dalka oo dhan maamusha.

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa u muuqda kuwo aad u yar yihiin weerarrada toos ah oo ay ku qaadaan xarumaha ay degan yihiin Al-shabaab, taasoo u sahashay xoogagga Al-shabaab in dhankooda soo qaadaan weerarro geysta khasaare ballaadhan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews