berberatoday.com
Waa Noocma Heshiiska Hor Dhaca Ah Ee Ay Gaadheen Dalalka Jabuuti Iyo Eretrea ? + Akhriso
September 7, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaadhay heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaadhaya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka.Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.
Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.“Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu.

Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dedaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaadho dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xidhiidhkii Jabuuti iyo Eretrea.

Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaadho Jabuuti, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaadhaan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaadhista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan.

Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews