berberatoday.com
Madaxwayne Afrikan Ah Oo Usaftay Xulka Qarankiisa Ciyaar Caalamiya.
September 14, 2018 - Written by Berbera Today

Monrovia(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ciyaar saaxiibtinimo oo caalami ah Talaadadii u saftay kooxdiisa qaranka  isagoo ay da’diisu tahay 51 sano.

Weah, oo ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Aduunka ayaa si toos ah u ciyaarayay 79 daqiiqo oo ka mid ah ciyaartii ka dhacday Monrovia oo uu xulkiisa guul darro 2-1 ah kala kulmay Nigeria.

Liberia ayaa u qaban qaabisay ciyaartaas saaxiibtinimo iney howlgab uga dhigaan funaadadda lambarka 14-aad, oo uu Weah xidhan jiray waayihii uu ciyaari jiray xulka Qarankiisa.

Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan ayaa xilka madaxweynenimo loo dhaariyay bishii

Janaayo ee sannadkaan.

Weah ayaa loo istaagay si loo sharfo xilligii la baddalayay.

Nigeria ayaa la soo shir tagtay koox awood leh oo ay ku jireen ciyaartoyga ka tirsan kooxda Leicester ee lagu magacaabo Wilfred Ndidi iyo saaxiibkiis Peter Etebo oo u ciyaaraha kooxda Stoke City oo labadaba ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska.

Kelechi Iheanacho oo isagana ka tirsan Leicester ayaa baddal ku soo galay qeybtii dambe ee ciyaarta.

Laacibka reer Nigeria ee Henry Onyekuru oo ka tirsan kooxda Everton, haddeerna amaahda ugu ciyaara kooxda Galatasaray, ayaa goolka hore u dhaliyay Nigeria.

Koorno uu soo tuuray Peter Etebo ayaa waxaa madaxa ku dhaliyay Simeon Nwankwo oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Nigeria ku gacan sarreysay.

Hase ahaatee xulka martida loo ahaa ayaa goor dambe keensaday gool uu u dhaliyay ciyaaryahankooda Kpah Sherman, kaasoo ahaa gool-ku-laad

Soures: BBC Somali

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews