berberatoday.com
Wasiirka Maaliyaddu Muxuu Ka Yidhi Sharciyadda Lacagta Lambnarada Cusub Ee Ee Gaadiid Uu Ku Dallacay?
September 16, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa difaacay Wareegto Lacag Lix Boqol oo Kun oo Shilinka dalka ah iyo ka badan ku soo rogaysa Gaadiidka Afarta Taayir leh iyo noocyada kale, taasoo uu ku sheegay in loogu beddelayo Taarikada ama Bilaydh-lambarka Baabuurta hore looga iibiyey, iyada oo ay Dadweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ahiba ku tilmaameen mid Sharci-darro iyo caqli-darro ah.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND YUUSUF MAXAMED CABDI.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeed uu soo saaray oo caawa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu ku sheegay inay Wasaaraddiisu xaq u leedahay inay beddeli karto Taarikada Gaadiidka, isla markaana ay Sharciga dalka u eegeen, sidoo kalena ka soo xigteen dalalka Caalamka qaarkood. Hase-yeeshee, Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani Masuuliyiin ka tirsan oo Sabtidii Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu Baaqay inaanay Bixin lacagtaas oo ay sheegeen inay sharciyan xaaraan tahay, isla markaana ay caqliyadda saxda ah ka fogtay, sida ay ku doodeen.

War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi, dooddiisa iyo nuxurka uu sidaaba, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Waxa jirta in warqadda summadeedu tahay WM/02/08-01/1480/2018 kuna taariikhaysan 13/09/2018 ujeedadeeduna ay ahayd wax-ka-bedelka tacriifadda lambarrada cusub ee gaadiidka, taas oo lagu baahiyay baraha bulshadu ku kulanto iyo warbaahinta fogaan-aragga ah ee dalka.

Hadaba, war-saxaafadeedkan waxan ku qaadaa-dhigi doonnaa awooddaha ay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu u leedahay kordhinta qiimaha balaydhada gaadiidka ee kala duwan, sida oo kale, fulinta iyo hirgalinta xeerka Wadda-marista Gaadiidka.

  1. Xeerka Waddo-marista Gaadiidka;

Ugu horreyn Xeerka Wada-marista Gaadiidka ee summadiisu tahay 56/2013 qodobkiisa 48aad faqraddiisa 2aad iyo 4aad uu si cad u tilmaamayaa isla markaana ina farayaa in la bedelo baleedh-lambarrada noocyada gaadiidka kala duwan, anagoo fulinayna isla markaana meel-marinayna oo u dhigan sidan:

Farqada 2aad “Magaca Gobolka gaadhiga laga diwaangeliyey oo ay la socoto lambarka diwaangelintu, astaanta rasmiga ah iyo kalmada (Soomaaliland) waa in lagu muujiyaa Taarikada danbe iyo taarikada hore, taarikadana waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo u-eeg, oo ay ku xusantahay xarfaha iyo lambarada oo ku xardhan oogo madaw”.

Farqada 4aad “Taarikada hore waxa lagu muujin doonaa dhamaan calaamadaha ku xusan Taarikada danbe Taarikadaasi waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo la mid ah, kuna xardhan xarfo iyo numbaro cadaana oo ku yaala oogo madaw ah”.

  1. Xeerka iyo Qodobada Dastuurka ee u Ogolaanaya Wasaaradda H/Maaliyadda ee u ogolaanaya kordhinta Qiimaha (Value) Bilaydhka Gaadiidka. Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay awood u leedahay wax-ka-bedelka qiimaha tacriifadda ee ah dhokumenti kasta oo u taagan lacag sida bilaydh-lambarka. Waxaana u ogolaaday awooddaa Xeerka Cashuuraha Berriga ee ay summadiisu tahay 72/2016 qodobkiisa 52aad kaas oo ka hadlaya wax-ka-beddelka Shaxda iyo Xaddiga Lacagta.

Qodobkani kama hor imanayo Dastuurka qodobkiisa 14aad, waayo isla qodobkaa 14aad faqraddiisa 2aad waxay sheegaysaa in uu xeer kale jidaynayo curinta, dhaafidda iyo wax-ka-bedelka cashuuraha. Xeerkaa kale ee jidaynayaana waa xeerka Cashuuraha Berriga Xeer Lr. 72/2016 qodobkiisa 52 aad, kaas oo sheegaya:- “Wasiirku ka dib marka uu helo ansixinta Baarlamaanka wuxuu si sharci ah wax ka badali karaa;

  1. b) Qadar kasta oo lacageed oo lagu qeexay xeerkan ama t) Jaantuuska;

Xeerarka ay ku shaqayso wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka farcamaan dastuurka qaranka, iskamana hor imanayaan ee way-is dhammaystirayaan.

  1. Mudada ay qaadanayso badalaadda baleedhada Gaadiidka;

Muwaadinku waa in uu iska bedelo balaydh-lambarka muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta la dhaqan-galiyo. Dhokumenti kasta ama shay kasta oo leh qiime-lacageed waxa lagu bedelaa ugu yaraan 3 bilood ugu badnaanna 6 bilood.

Hadaba, lafa-gurid dheer ka dib iyo xigasho xog-koobid habraacyada adduunka sida Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) iyo Ururka Kastammada Adduunka (World Customs Organization) iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee nagu gadaaman darted in laga dhigo muddada ugu badan oo ah 6 bilood.

  1. U Caddaalad-samaynta Bulsho-weynta Somaliland dhammaan cashuuraha, ajuurooyinka iyo takaaliifaha laga qaado

Sida ay tilmaamayaan dastuurta iyo xeerarka maamulka maaliyadda ee lagu hago dalka waxa waajib ah in laga qaado xaddi isku mid ah dhammaan muwaadiniinta Somaliland ee ay ku waajibtay takaaliif, ujuuro iyo cashuuro ba.

Hadaba, taarikada cusub ee gaadhiga afar taayarlaha ahi waa 1,000,000 halka gaadhiga hore u sii joogay dalka laga qaadayo 600,000 maadaama oo hore looga sii qaaday cashuur 400,000. Si muwaadiniintii lacag isku mid looga qaado, muwaadinka hore u sii haystay gaadhiga waxa laga qaadaya 600,000 ee ka maqan. Balse, caddaaladi kuma jirto laba gaadhi oo isku mid ah in midna hal milyan laga qaado midna 600,000.

  1. Soo Bandhigidda Xaddiga Cashuurta ay ka Qaadaan

Dalalka Jaarkeenna ah Bileedhada Gaadiidka

Cilmi-baadhis iyo xog-ururin ay wada sameeyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxay ku ogaadeen in uu dalkeennu yahay dalka ugu jaban bileedh-lambarka (Plate numbers) ee gaadiidka marka la bar-bardhigo wadamada kale ee adduunyada. Tusaale ahaan:-

  1. a) Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa la cashuuraa isaga 2% ka mid ah qiimaha uu gaadhigu taagan yahay taas oo laga shubo lacag kumaan-kun dollar ah qofka gaadhiga leh.
  2. b) Kiiniya waa 300 oo Dollar,
  3. c) Jabuuti $ 200,
  4. d) Eletariya $130,
  5. e) Somalia $ 160,

Halka innaga ay manta ka tahay $100 oo kaliya.

Somaliland ma aha dalka kaliya ee adduunka ka jira, waa mid ka mid ah 200 ee dal ee ka jira adduunka. Sidaa daradeed, waxa muhiim ah in loo dhaqmo si la mid ah sida ay u dhaqmaan adduun-weynaha kale.

Gabogabo;

Maadaama oo uu hal-ku-dhegga dawladani yahay sarraynta sharciga, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay fulisay dhammaan shuruucda dalka ee uu jideeyay baarlamaanku. Waxa muhiim ah in ay shacabku ogaadaan in aanay wasaaraddu jabinin shuruucda u yaalla dalka, isla markaana ay mar walba ku dedaalayso sidii uu dalku u horumari lahaa.

Fulinta xeerarkii ay sameeyeen baarlamaanka, dawlad nidaamsan oo daahrufan iyo isla xisaabtan joogto ahi waa mid ka mid ah astaamaha ay dawladani leedahay. Shacab-weynaha Somaliland na waxan ka codsanaynaa in ay dawladda la dhinac istaagaan fulinta iyo sarraynta sharciga.

Fiiro Gaar ah:

Waxaa xusid mudan in samaynta bileedhada gaadiidka sida ugu dhakhsaha badan leh lagu soo wareejin doona gacanta dawladda, isla markaana ay daabici doonto madbacadda qaranku.

waxaanay gacanta dawladda ka maqnaan doontaa oo qudha inta lagu wado casriyaynta iyo dalbida mashiinadda lagu daabacayo bileedhada, sidoo kale la diyaarinayo shaqaalihii hanan lahaa hawshan oo xirfadooda iyo aqoontoodana kor loo qaadayo. Allaa Mahad Leh.”

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaal-Dhegaysiga War-Saxaafadeedkan Wasiirka Horumarinta Maaliyadda;-

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews