berberatoday.com
Booliska Dalka Brazil Oo Weeraray Guriga Laacibkii Hore Ee Kubada Cagta Ee Ronaldinho Iyo Tirada Baabuur Nooca Qaaliga Ah Oo Ay Ka Kaxaysteen+Sababta
December 9, 2018 - Written by admin

Brazil(Berberatoday.com)-Laacibkii Hore ee xulka Qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa imika ka hor la sheegay in akoonkiisa ay ku jirto 5 bound oo kaliya iyadoo imikana  booliska dalka Brazil ay weerareen gurigiisa  kana soo kaxaysteen 3 gaadhi oo uu lahaa kuwaas oo ahaa kuwa qaali ah.

Ronaldiho 1

boolis 3

 

Saraakiil reer Brazil ah ayaa baryahaanba ku raad joogtay halyeygii hore ee Barcelona iyo waliba walaalkiisa maadaama ay bixin waayeen lacago ganaax ah kaddib markii ay bur-buriyeen dhul keyn ah oo ay dowladdu leedahay iyagoo aan u haysan ruqsad ama wax ogolaansho ah.

boolis 2

Imika ka hor ayay dawladu la wareegtay Baasaboorada 38-jirka iyo walaalkiisa kaddib markii ay dacwad oogayaashu isku dayeen inay dib u helaan lacagaha Ganaax uu bixin waayay laacibka balse ay ka war heleen in Akoonkiisa ay ku jirto 5 bound oo kaliya.

walalkii

Booliska ayaa iminka weeraray guriga qoyska Ronaldinho si ay ula wareegaan hantidiisa Saraakiisha ayaa la wareegay Labo baabuur oo BMW ah iyo Mercedes Benz iyagoo isku dayaya inay helaan lacagaha ganaaxa uu ay la gooyeen Ronaldo iyo walaalkii.

Xeer ilaaliyaha Caddaalada iyo Difaaca deegaanka ayaa kala wareegay saddex baabuur ee qaali ah iyo Sawir Gacmeed qiimo leh Guriga Reerka Ronaldinho ee ku yaala Porto Alegre.

Sababta loola wareegayo hantida laacibka reer Brazil ayaa ah in la damaanad qaado in la bixiyo lacagaha ganaaxa ee dhaawaca ay u geysteen deegaanka aan loo idmin iyagoona ka dhisay hey’ad samafal ah.

Ronaldinho ayaa Walaalkii ayaa lagu helay inay jareen Keymaha iyagoona dhismo ka sameeyay ogolaansho la’aan Sida ay sheegeytay Wasaaradu oo tidhi  Maxkamadda Cadaalada ee Rio Grande do Sul ay 2013-dii dambi ku heshay Ronaldinho walaalkiisa Assis Moreira iyo hey’adda Ronaldinho Gaucho taa oo caawisa caruurta iyo Dhalinyarada maadaama ay wax yeeleeyeen deegaanka.

Labada dambiile, kuwaa oo sidoo kale la wariyay inay ku socoto Baaritaano Dambi ayaa saxiixay heshiis ah inay bixinayaan lacagaha lagu dayctirayo dhibaatada ay u geysteen Deegaanka balse may fulin balankii ay qaadeen lacagtiina way bixin waayeen waana ta keentay in hantidiisa lala wareego oo gurigiisa laga soo kaxaysto.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews